SOLJA oo Canbaaraysay Suxufiyiin la xukumay

SOLJA SOMALILAND JOURNALISTS ASSOCIATION

Hargeysa (Aftahannews)- Qoraal ka soo baxay xafiiska SOLJA, oo uu ku saxeexan yahay guddoomiyaha Ururka Sakariye Axmed Muxumed, ayaa lagu canbaareeyay xukunka oo guddoomiyuhu ku macneeyay mid aan waafaqsanayn nidaamka iyo shuruucda Somaliland, isla markaana abuuraya jawi saxafiyiinta kaga cabsan karaan in ay six or ah u gutaan waajibaadkooda shaqo.

Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex, ayaa xukun ku riday laba wariye oo u xidhnaa dhacdadii 13-kii April 2022 ka dhacday xabsiga weyn ee Magaalada Hargeysa kuwaasi oo kala ah wariye Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig) oo ahaa Guddoomiyaha Telefishanka MM Somali Tv iyo Cabdijabaar Maxamed Xuseen, Madaxdii wararka Telefishanka HCTV,  kuwaasi oo lagu xukumay midkiiba xabsi dhan Hal sano iyo Afar Bilood, halka Maxkamaddu siidaysay Wariye Cabdiraxmaan Cali Khaliif oo ay sheegtay in lagu waayay eeddihii loo haystay.

Dhanka kale, Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi Jeex, ayaa xukun xabsi iyo ganaax lacageed ah ku riday Cabdimaalik Muuse Coldoon. oo lagu xukumay xabsi dhan laba sano oo xadhig ah iyo Ganaax lacageed oo dhan Saddex Milyan oo shilinka Somaliland ah.

Hoos ka akhriso qoraalka ururka Solja

“Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa uu aad uga xun yahay xukunnadan ku dhacay saddexdan Suxufi ee la xukumay maanta oo muddoba Ururka SOLJA, gacanta ku hayay hawshooda il gaar ahna ku eegayay, waxaan u aragnaa in uu yahay xukunku mid si weyn wax ugu dhimmaya xorriyatul qawlka, isla markaana abuuraya jawi ay suxufiyiintu kaga baqaan tabinta dhacdooyinka iyo wararka ay Bulshadu ka sugayso.” ayaa lagu yidhi, qoraalka ururka Solja.

Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa uu walaac weyn ka qabaa xadhiga soo noqnoqday ee muddooyinkii ugu dambeeyey ay la kulmayeen Suxufiyiinta Somaliland, xadhigaa oo ka hor imanaya qodobbada dastuuriga ah iyo xeerarka kale ee dalka ee dammaanad qaaday Xorriyadda Saxaafadda, oo u oggolaanaya in ay Saxafiyiintu ku shaqeeyaan deegaan u saamaxaya gudashada xirfaddooda oo ah mid ay dhammaan shuruucda dalku u damaanad qaadeen, sida lagu xusay qoraalka.

“SOLJA oo kaashanaysa qareennadeeda kala hawlgala dacwaddaha ka dhanka ah suxufiyiinta iyo guud ahaan saxaafadda Somaliland waxa ay qaadi doonaan tab kasta oo sharcigu u ogol yahay in ay ku difaacaan xuquuqda saddexdan Suxufi.”ayaa lagu yidhi, qoraalka uu ku saxeexnaa Guddoomiyaha SOLJA, Sakariye Axmed Maxamed.