Wefdi ka socda Qaramada Midoobay oo gaadhay Jigjiga

Jigjiga (Aftahannews)- Madaxa gargaarka, bini’aadannimada ee hay’addaha Qaramada Midoobay Dr Catherine Sozi iyo safiirro ka socda 5 waddan oo caalamka ah, ayaa gaadhay magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalidda.

Safiirrada wadammada Italy, Japan, Switzerland, Finland iyo Czech Republic oo ay weheliyaan madaxda hay’addaha UNICEF, USAID, FAO iyo IOM ayna hoggaaminayso Dr. Catherine Sozi, madaxa gargaarka bini’aadannimada ee hay’addaha Qaramada Midoobay, ayaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Garaad Wiil-waal ee magaalada Jigjiga.

Wasiirka Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Deegaanka, Dr. Xuseen Xaashi Qaasim iyo Afhayeenka Golaha Xildhibaannada ee DDS, marwo Ayaan Cabdi oo ay weheliyaan masuuliyiin kale, ayaa wefdiga ku qaabilay garoonka.

Waxa ayna xarunta madaxtooyada kaga qeyb-galeen kulan uu hoggaamin doono Madaxweyne Mustafe Muxummed Cumar, kaasi oo lagaga wada hadli doono barakacayaasha iyo dib-u-dajintooda.