Ra’iisal wasaare Rooble oo shaqo joojin ku sameeyay wasiirka arrimaha dibadda

Muqdisho (Aftahannews)- Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa shaqo joojin ku sameeyey wasiirka arrimaha dibadda, Cabdisaciid Muuse Cali.

Ra’iisal wasaare Rooble, ayaa waxaa uu ku eedeeyay wasiirka arrimaha dibadda inuu sameeyay ku takrifal awoodeed, sida lagu yidhi qoraalka ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha.

Qoraalka, ayaa waxaa lagu sheegay in Ra’iisal wasaaruhu baabi’iyay warqad wasaaradda Arrimaha dibadda ay ku fasaxday Markab waday dhuxul sharci daro ah oo ku xidhnaa xeebaha dalka Cumaan.

Ra’iisal wasaaraha, ayaa faray hanti dhowraha qaranka iyo hay’addaha amniga inay baadhis dheeraad ah ku sameeyan falka uu sameeyey wasiir Cabdisaciid.