Madaxweyne Xasan Sheekh oo xil u magacaabay Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Cabdiraxmaan Cabdishakuur, hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir

Muqdisho (Aftahannews)- Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xil u magacaabay, siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo haatan ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa siyaasigan oo in muddo ah mucaarad soo ahaa u magacaabay inuu noqdo ergayga gaarka ah ee arrimaha Bani’aadamninada Soomaaliya.

Madaxweynaha, ayaa sheegay in Cabdiraxmaan uu si mutadawacnimo ah uu u qaban doono shaqadan, maadaama uu yahay xildhibaan qaran.

Sidoo kale, wuxuu madaxweynuhu Eebe uga baryay inuu u fududeeyo mas’uuliyadda loo igmaday ee ah u gar-gaarida dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa ka mid ahaa musharixiintii mucaaradka ee ka qayb-galay doorashadii madaxtinimada Soomaaliya ee 15-kii May, taas oo uu ku soo baxay Madaxweyne Xasan.

Magacaabistiisa ayaa ku soo beegmeysa, xilli Soomaaliya ay haatan la daala dhacayso abaaro baahsan oo ku dhuftay koonfurta iyo bartamaha.