Faysal Cali Waraabe: “Maxamed Kaahinow 1994-kii waxad ku dhishay Kumanaan reer Sheekh Isaxaaq ah..”

Hargeysa (Aftahannews)- Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ee UCID Eng, Faysal Cali Waraabe, ayaa jawaab kulul ka bixiyay eedaymo uu u soo jeediyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed.

Wasiirka Maxamed Kaahin Axmed oo shalay ka hadlayay madal loogu dabaal dagayay sannad guurada 20aad ee ka soo wareegtay markii la as aasay xisbiga Kulmiye, ayaa sheegay in Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, uu u soo jeediyay in Somaliland ay Soomaaliya dib ula midowdo.

Wasiir Kaahin, ayaa sheegay in kulankii 16 May ay yeesheen mucaaradka iyo xukuumada Somaliland, uu Faysal ka yidhi “Dowladnimadii Somaliland way socon waydee aynu Soomaaliya dib ula midowno”.

“Habeenkii markaanu wada hadlaynay, Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, wuxuu yidhi waynu fashilanay, dowladnimo dad wadi kara ma nihin, dowladna wadi kari mayno, Xamar-na wataa socotay, inana maanta waynu iska soo horjeedna cid inagu kala guntada ayaynu u baahanahay, waxaynu u baahanahay in aynu Soomaaliya ku noqono” ayuu yidhi Kaahin.

Hadaba, Faysal Cali Waraabe oo qoraal kooban oo uu eedayntaasi kaga jawaabayo ku baahiyay bartiisa Twiterka, ayaa waxaa uu sheegay in Wasiir Maxamed Kaahin 1994-kii uu ku dilay Kumanaan reer Sheekh Isaxaaq ah.

Faysal Cali Waraabe, ayaa sidoo kale sheegay in hogaan xumida Madaxweyne Biixi iyo Maxamed Kaahin ay Somaliland u horseedi doonto meeqaam ka xun Federaal Somalia lala yeesho, isaga oo wacad ku maray inay Somaliland ka badbaadin doonaan.

“Mahamed Kaahinow 1994-kii waxaad ku dhishay Kumanaan reer Sh:Isaxaaq ah Xamar ayey inagu wadaan. Adeer maanta taasi kuu socon mayso.Laakin waxa cad in maanta hogaan xumidiina ay Somaliland u horseedidoonto meqaam ka xun Federal Somalia lala yiisho.Lakin waan idinka badbadin doona” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.