Golaha Wakiillada Somaliland oo Diiday inay Ansixiyaan 3 Xubnood oo ka mid ah Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda

Hargeysa (Aftahannews)- Golaha Wakiiada Somaliland, ayaa maanta diiday inay ansixiyaan 3 xubnood oo ka mid ah 7 xubnood ee guddiga diiwaangelinta ururrada siyaasadda.

Fadhiga golaha Wakiillada ee maanta oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif Axmed, isla markaana ay ka soo xaadireen 67 xildhibaan oo ka mid ah 82-ka mudane ee goluhu ka kooban yahay, waxa la horkeenay toddobada xubnood ee Guddiga Diiwaangelinta Ururrada siyaasadda oo madaxweyne Muuse Biixi magacaabay bishii January ee sannadkan.

Toddobada xubnood ee Guddiga Diiwaangelinta Ururrada siyaasadda, ayaa kala ah Maxamuud Axmed Obsiiye, Siciid Maxamed Cilmi, Muxiyaddiin Yuusuf Ibraahim, Aadan Geedi Qayaad, Cabdalle Ibraahim Maxamed, Mukhtaar Cabdi Jaamac, Maxamuud Xasan Badde.

Afar Xubnood oo ka mid ah Toddobada xubnood ee Guddiga Diiwaangelinta Ururrada, ayaa golaha Wakiillada cod-aqlabiyad ah ku ansixiyey, halka saddex xubnood oo ka mid ah ay xildhibaannadu diideen.

Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif oo cod gacan-taag ah geliyey ansixinta Guddiga, ayaa tirinta codadka ay heleen kaddib shaaciyey natiijada codadka xildhibaannada ee ay kala heleen xubnaha Guddiga.

Codadka ay kala heleen Toddobada xubood ee Guddoomiyuhu shaaciyey , ayaa u dhignaa sidan:-

Siciid Maxamed Cilmi, waxa oggolaaday 41 xildhibaan, waxa diiday 19 mudane, 6 xildhibaan baa ka aamusay

Maxamuud Xasan Bade, waxa 42 oggolaaday, 14 baa diiday, 10 baa ka aamusay

Aadan Geedi Qayaad, 42 xildhibaan, 16 baa diiday, 9 baa ka aamusay

 Cabdalle Ibraahim Maxamed 42 oggolaaday, 14 diiday, 10 baa ka muusay

Maxamuud Axmed Obsiiye 41 mudane, 21 baa diiday, 4 baa ka aamusay

 Muxiyaddiin Yuusuf Ibraahim 43 oggolaaday, 15 diiday, 8 baa ka aamusay

 Mukhtaar Cabdi Jaamac 41 oggolaaday, 12 diiday, 14 ka aamusay.

Saddexda xubnood ee u guul-darraystay inay ka gudbaan ansixinta Golaha, ayaa kala ah Siciid Maxamed Cilmi, Mukhtaar Cabdi Jaamac iyo Maxamuud Axmed Obsiiye oo saddexdoodu helay midkiiba 41 Cod oo ah kala badh codadka xildhibaannada Goluhu ka kooban yahay.

Dhammaan xubnahan ayaan gaadhin codadkii kalsoonida ee ay uga baahnaayeen Golaha wakiilada Somaliland waxaana u codeeyey midkiiba  41 Xildhibaan

4 Xubnood ee kale, ayaa iyagu ka gudbay ansixintii golaha Wakiillada, waxaana ay gaadheen codadkii kalsoonida ee loo baahnaa.

Xubnahan la diiday in la ansixiyo  waxay dib ugu  noqon doonnaan madaxweynaha Somaliland oo isagu hore u soo  magacaabey.

Xisbiyada mucaaradka iyo muxaafadka Somaliland, ayaa aad iskugu khilaafsan furista urrurada siyaasada ee wakhtigan, waxaanay ku doodayaan in doorashada madaxtooyada oo ku beegan dhammaadka sannadkan la qabto, waxaanay madaxweynaha ku eedeeyeen inuu furistooda uga dan leeyahay sidii uu meesha uga saari lahaa labada xisbi isla markaana uu u soo saari lahaa laba xisbi oo aan awood mucaaradeed lahayn.