Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Agaasimaha Madaxtooyada

Muqdisho (Aftahannews)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u magacaabay Xuseen Sheekh Maxamuud xilka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada.

Madaxweynaha, ayaa tilmaamay in Xuseen Sheekh uu tusaale u yahay doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ee dib u dhiska dowladnimada iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed oo uu ku bixiyey wakhti badan.

Qoraalka ka soo baxay Villa Somalia, ayaa intaas ku daray :Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle uga baryey in uu u fududeeyo Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Qaranka gudashada waajibaadka horyaalla, waxa uuna uga mahad-celiyey Agaasimihii Hore ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise dadaalka uu bixiyey muddadii uu xilkan hayey.”

Xuseen Sheekh Maxamuud, ayaa ahaa Senator laga soo doorto Koonfur Galbeed, baarlamankii 10-aad, balse dib looma soo dooran, wuxuuna xubin ka ahaa xisbiga UPD ee madaxweyne Xasan Sheekh.

Xuseen Sheekh Maxamuud sanadkii 1982 waxa uu ku dhashay magaalada Xudur ee Gobolka Bakool, waxbarashada aas-aasiga ah iyo Jaamacadda heerka 1-aadna waxa uu ku qaatay magaalada Muqdisho.

Waxbarashada heerka Labaad ee Jaamacaddana (Master Degree) waxa uu ka diyaariyey Daraasaadka Horumarinta, halka uu haatan ku guda jira takhasusuka PhD-ga ee Nabadda iyo Arrimaha Dowliga ah.