Maxay ka wadahadleen Madaxweyne Biixi iyo Madaxa Hay’adda Save The Children?

Hargeysa (Aftahannews)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley madaxa Hay’adda Save The Children International ee dalalka Barriga iyo Koonfurta Afrika, Mr. Ian Vale oo markii u horaysay safar bookhasho ku jooga ku yimid Somaliland, sida lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay madaxtooyada.

Qoraalka madaxtooyada, ayaa lagu sheegay in kulanka lagaga wadahadlay mashaariicda horumarineed ee ay dalka kawado hay’adda Save The Children, xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed ee dowladda iyo hay’adda sidii loo dardar-gelinlahaa.

 Waxaa kale oo qoraalka madaxtooyada lagu sheegay in kulanka Madaxweynaha ku wehelinaayeen madaxa dalalka Barriga iyo Koonfurta Afrika kulankaasi masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan xafiiska ay save the Children ku leedahay Somaliland, sida lagu sheegay.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley madaxa Hay’adda Save The Children International ee dalalka Barriga iyo Koonfurta Afrika, Mr. Ian Vale oo markii u horaysay safar bookhasho ku jooga ku yimid Somaliland.

Waxaana kulankaa lagaga wada hadlay mashaariicda horumarineed ee ay dalka kawado hay’adda save the Children xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed ee dawladda iyo hay’adda sidii loo dardar-gelinlahaa, waxaana ku wehelinaayey madaxa dalalka Barriga iyo Koonfurta Afrika kulankaasi masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan xafiiska ay save the Children ku leedahay Jamhuuriyadda Somaliland.” Ayaa lagu qoraal ka soo baxay madaxtooyada.