Wadahadaladii Madaxweyne Biixi iyo Mucaaradka oo laga cabsi qabo inay bur-buraan

Hargeysa (Aftahannews)- Waxaa baaqday Wadahadaladii ay ku balansanaayeen inay iskugu yimaadaan Xukuumada Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi iyo hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka.

Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaradka oo 16-ka bishan ku balansanaa inay iskugu yimaadaan wadahadalo ay kaga arrinsanayaan khilaafka doorashooyinka Somaliland ee sannadkan dalka ka qorsheysan, ayaa waxaa laga cabsi qabaa inay bur-buraan wadahadaladaasi.

Wadahadalada ay labada dhinac ku balansanaayeen, ayaa baaqday, kadib markii uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ka soo xaadiri waayay kulamadii loo balansanaa, sida uu sheegay xisbiga Waddani.

Hadaba, Muniir Axmed Cigaal oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, uu ka baaqday kulamadii loo balansana in laga yeesho gorfaynta iyo xal ka gaadhista xaalada siyaasadeed.

“Waxan kuu caddayn karaa saddexda guddoomiye xisbi qaran oo uu weheliyo musharaxa madaxweynaha xisbiga Waddani, waxay ku balan sanaayeen in wadahadalo xalaada dalka, iyo muruga siyaasadeed iyo halkii looga dhaqaaqi lahaa ay yeeshaan, nasiib daro guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ahna Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulankaas soo fadhisan waayay” ayuu yidhi Muniir.

Wuxuu sheegay Muniir in ay ahayd in wadahadalada ay ka qayb galaan saddexda guddoomiye xisbi oo madaxweyne Biixi ka mid yahay, mar hadii madaxweynihii soo fadhiisan waayayna ay kulamadii loo balansanaa sidaa ku baaqdeen.

Wararka, ayaa sheegaya in Madaxweyne Biixi uu kulamada mucaaradka u igmaday saraakiil sar sare oo ka tirsan xisbiga Kulmiye laakiin, mucaaradku ay diideen in ay la kulmaan cid aan madaxweynaha ahayn.

Haseyeshee, welli waxa aan si kama danbays ah go’aan looga gaadhin labada doorasho – doorashada ururada/xisbiyada iyo doorashada madaxtooyada – ta soo hormaraysa. Waana arin keeni kara khilaaf xoogan.