Farmaajo oo markii ugu horeysay ka hadlay Ciidamadii la geeyay Eritrea

Muqdisho (Aftahannews)- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo maanta khudbad uu ka jeediyay munaasabadda xil wareejinta, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay ciidamada dawladda ee tababarka ugu maqnaa labadii sanno ee la soo dhaafay dalka Eritrea.

Farmaajo, ayaa xusay ciidamadaasi ay gaadhayaan illaa 5,000 oo askari, islamarkaana ay dhammaysteen tababarka, balse ay dib u dhigeen doorashada awgeed.

“Shan kun oo askari ayaa tababar u geynay Eritrea waxa ay tababarka dhammeysteen sanadkii hore bartamihiisa, waxaana dib ugu dhignay xaaladda aan ku jirnay iyo in ayna saameyn doorashada dalka”ayuu yidhi Farmaajo.

Farmaajo, ayaa waxaa uu ujeedka ciidamadan loo geeyay Eritrea ku sheegay in la tababaro, si ay qayb uga noqdaan dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Geesta kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isna ka hadlay arrintan, ayaa sheegay inay ka shaqeyn doonaan sidii ciidamadii Eritrea la geeyay Soomaaliya loogu soo celin lahaa, maadaama ay muddo dheer ka maqnaayeen waalidoontooda.

 “Ciidamada Eritrea jiray muddo dheer way naga maqnaayeen waana wiilasheenii, waan ka shaqeyneynaa sida ugu dhakhsiyaha badan in dalka ay ugu soo noqdaan oo dalka dib u xoreyntiisa qeybta weyn ay ku leeyihiin ay ka qaataan, waa ciidan Soomaaliyeed, dalka Soomaaliya baa iska leh,” ayuu yidhi Madaxweyne Xasan Sheekh.