Somaliland: Gacan ka hadal dhexmaray Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada

Hargeysa (Aftahannews)- Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa maanta gacanta iskula tagay, kadib khilaaf ka dhashay ansixinta xubnaha guddida diwaangalinta iyo ansixinta urrurada siyaasada ee Somaliland.

Xildhibaannada dagaalku dhexmaray oo ka kala tirsan saddexda xisbi ee Somaliland, ayaa si wayn ugu kala aragti duwan furista urrurada siyaasada, waxaana jira xildhibaano taageersan iyo kuwo ka soo horjeeda, arrintaasi oo sababtay in maanta uu dagaal ka dhasho.

Ka sakow khilaafka, golaha ayaa cod u qaaday xubnaha guddidan oo ka kooban 7 xubnood, waxaana la ansixiyay 5 xubnood oo ka mid ah, halka 2 kamid ahi anay helin codka kalsoonida mudanayaasha, xubinta hesha kalsoonida 42 xildhibaan ayaa ansaxaysay.

Xisbiyada mucaaradka iyo muxaafadka Somaliland, ayaa si weyn iskugu khilaafsan furista urrurada siyaasada ee wakhtigan, khilaafkaasi oo sameeyay xubnaha golaha Wakiilada ee Somaliland.