Maxkamada Hargeysa oo Xukun adag ku riday Weriyeyaal

Hargeysa (Aftahannews)- Maxkamadda Racfaanka ee gobolka Maroodi-jeex, ayaa maanta xukun adag ku ridday sadex weriye oo bilihii ugu danbeeyay ku xidhnaa xabsiga Hargeysa, kadib markii lagu eedeyay arrin ka dhan ah qaranimada Somaliland.

Maxkamadda, ayaa min hal sanno iyo afar bilood ku xukuntay Wariyeyaasha kala ah Maxamed Ilig iyo Cabdijibaar Maxamed halka ay xorriyadiisii u soo celisay Cabdiraxmaan Khaliif.

Wariyeyaashaan, ayaa dhawaan lagu xidhay magaalada Hargeysa kadib markii ay soo tabiyeen shaqaaqo ka dhacday xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa.

Dhinaca kale, maxkamadda gobolka Maroodi-jeex, ayaa maanta xukun adag ku ridday Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon.

Maxkamadda, ayaa waxaa ay ku xukuntay laba sanno oo xabsi ah iyo saddex Milyan oo lacagta Somaliland ah.

Geesta kale, Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex, ayaa hore u soo saartay go’aan ay ku shaacisay in wax dambi ah lagu waayey Wariyey Coldoon, iyada oo amartay in laga sii daayo xabsiga, wuxuuna go’aankaasi soo baxay 3 February ee sanadkan.

Go’aankaas ka soo baxay maxkamadda, waxaa Racfaan ka qaatay Xeer ilaalinta, waxaana kiiska sidaas loogu sii gudbiyey maxkamadda Racfaanka oo maanta xukun adag ku riday Coldoon.

Coldoon oo xabsiga loo taxaabay taariikhdu markay aheyd 23/08/2021-kii, ayaa loo soo jeediyey eedeymo culus, sida dacaayad qaran dumisnimo ah, faafinta warar been abuur ah iyo aflagaadeyn siyaasiyiinta iyo golaha sharci dejinta ee Somaliland.

Eedeymaha kale ee loo soo jeediyey waxaa ka mid ah inuu warbixino liddi ku ah ka qoray Dugsiga Abaarso iyo Jaamacadda Barwaaqo.