Somaliland iyo Itoobiya oo ka Wadahadlaya Sicir-barar Albaabbada u laabay Suuqyada Wajaale

Tog-Wajaale (Aftahannews)- Suuqyadda magaalo xuduudeedka Tog-Wajaale, ayaa maanta intooda badan xidhanaayeen, kadib markii uu Hoos u dhac aad u weyni ku yimid Lacagta Birta ah ee dalka Itoobiya, isla markaana uu sare u kacay Qiimaha Sarrifka Dollarku.

100-ka Dollar, ayaa maanta lagu sarrifayay magaalada Wajaale 8,200 oo Birta Itoobiya ah, iyadoo saddex bilood ka hor uu ahaa 6,800 oo bir ah.

Arrintan, ayaa keentay in guud ahaanba albaabada loo laabo suuqyada sarifka lacagaha ee Wajaale iyo Bakhaarradii lagu kala iibsan jiray alaabaha kala duwan.

Wajaale, ayaa ah magaalo Ganacsi aad u xooggani uu dhex maro, maadaama ay ku taallo meel xuduud ah oo aad u muhiima.

Qaar ka mid ah ganacsatada deegaanka Soomaalida oo la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in sababta u wayn ee sicir bararka keentay ay tahay ganasatadii iyo dowladdii oo aan isla eegin arrinka sicir bararka, iyo waliba sarrifka lacagaha qalaad oo aan fadhin.

Ganacsatadu  waxay sheegeen in mar walba uu sare u kacayo sarrifka lacagaha qalaad, isla markaana ayna garanayn alaabihii ay soo iibsadeen waxay ku iibiyaan, maadaama ayna is daboolayn kharashkii ay wax ku soo iibsadeen iyo kay ku iibinayaan.

Xukuumadda deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa waxa ay sheegtay inay waddo dadaallo wax lagaga qabanayo sicir-barar saameyay nolasha dadka.

Wasiir ku xigeenka Ganacsiga dowlad degaanka Soomaalida Marwo Cabdicasiis, ayaa waxaa ay sheegtay in wada hadal u socdo xukuumadda dowlad deegaanka Soomaalida iyo Somaliland, kaasi oo lagaga arrinsanayo sidii loo xallin lahaa sicir bararka.