Maxamuud Xaashi: “Madaxweyne Waddani iyo UCID Annagaa ku filan ee Adigu kuma jirtid oo Odaybaad Tahay..”

Hargeysa (Aftahannews)- Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi oo muddo ka maqnaa Xisbiga Kulmiye, ayaa dib ugu laabtay, isla markaana maanta hadal ka jeediyey Munaasibad loogu dabbaal-degayey 20-guurada ka soo wareegtay Markii Kulmiye la aasaasay oo lagu qabtay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inuu Xisbiga ka tirsanyey, oo aanu ka bixin. Waxaanu talooyin u soo jeediyey Madaxweynaa Somaliland Muuse Biixi, ahna Guddoomiyaha Kulmiye.

Maxamuud Xaashi, waxaa uu sheegay in isaga iyo raga kale ee KULMIYE ku filan yihiin yoo-yootanka Xisbiyadda Mucaaradka ah, sidaa awgeedna aan Madaxweynaha looga baahnayn inuu yoo-yootanka qayb ka noqdo. Hasse-yeeshee, Madaxweynaha looga baahan yahay inuu ahaado Odayga qaranka oo marka ay xaaladu qadhaadhaato ka Odayeeya.

Hadaba hadalka Maxamuud Xaashi waxaan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho haboon:-