Wasiirkii hore ee Macdanta Somaliland oo Jawaab kulul ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Mucaaradka

Wasiirkii hore ee Macdanta Somaliland

Hargeysa (Aftahannews)- Wasiirkii hore ee Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Somaliand Jaamac Maxamuud Cigaal ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado in Xisbiyaadda Mucaaradka ku baaqaan in loo dhinto.

Jaamac Maxamuud Cigaal oo la hadlay qaar ka mida Warbaahinta, ayaa waxaa uu u soo jeediyay Axsaabta Mucaaradka in ay dalka u tudhaan, islamarkaana ay noqdaan Mucaarad wax dhisaya.

“Mucaaradnimadu waa in ay noqoto mid wax dhista xisbi ku baaqaya in dhalinyarada dagalaanto oo loo dhinto waa wax la diido, barigii Siilaanyo lagaga helay 80 Cod waxa uu yidhi Siilaanyo barigaa shacabkii iyo taageerayaashii xisbiga ila dhisay ee codka isiiyay aan ka codsaday inamadiina keena ha,iidhinteen odhan maayo.taas ayaa Mucaaradnimo la yidhaahdaa,”.ayuu yidhi.

Sidoo kale Jaamac Cigaal, ayaa waxaa uu sheegay in laga wanaagsanyahay Mucaarad ku baaqaya in loo dhinto.

”Waana laga wanaagsanyahay Mucaaradnimo ku baaqaysa in loo dhinto,aniga oo ixtiraam u haya Madaxda axsaabta Mucaaradka.hadana waxa aan leeyahay wadanka aynu u tudhno dhaliili waa dhaliil si xagaro leh wax u mucaaradaan,”. Jaamac Maxamuud Cigaal.