Warbixin: Diyaar Garoowga Xuska 18-ka May

Hargeysa (Aftahannews)- Guud ahaan Somaliland waxa si weyn looga dareemayaa u diyaar garowga maalinta gooni isku taaga Somaliland ee 18 May oo sanad walba gudaha iyo dibadda si balaadhan looga xuso, islamarkaana ku beegan maalinta barito ah ee Arbacada.

Dadweynaha magaalooyinka Waaweyn, gaar ahaan magaaladda Hargeysa, ayaa maalmihii u dambeeyey dadweynuhu ku qulqulayeen meelaha laga samaysto calamadda iyo dharka ay ku xardhan yihiin calanka Somaliland kuwaas oo jilbaabo, Diracyo, surwaalo iyo shaadhadhba ka tolanayey.

Waxaana guud ahaan camirmay lacag fiicana ka helay xuska 18 may dawaarayaashii dharka tolo oo toddobaadadii u dambeeyey ku mashquulsnaa tolayey dhar iyo calanka saddexda midab leh.