Khilaafka Guddiga Doorashooyinku wuxuu bilaabmay Magacaabistii Riyo-raac

Khilaafka Komishanku waxa uu ka soo bilaabmay guddoomiyannimadda Riyo raac, dibu habayntii uu ku baaqay Madaxweyne Muuse Qudbadiisii uu ka jeediyey natiijaddii Doorashaddii isku sidkanayd oo uu amray in la dhiso hay’adda oo aan lahay Xeer gaar ah, xeer hoosaad iyo shaqaale rasmi ah.

Taasoo sababtay in la isku qabsado nidaamka maamul ee shaqaale qaadashada iyo maamulka lacagaha oo marka hore si wadar ah ah ay u go’aamin jireen, balse intii madaxweynuhu amray in komishanka la habeeyo nidaamkiisa maamul ay guddoomiyaha iyo Agaasimuhu dabaqeen nidaamka maamul ee hay’adaha dawladda ee madaxa banaan, kuwaas oo dhigaya maamulka iyo maaliyadda inay iska leeyihiin saxeexyadooda guddoomiyaha iyo Agaasimuhu sida ay kaltuun oo ah xubnaha komishanku ba imika qirtay.
Hase yeeshee, khilaafkaas ka dhex qarxay xubnaha komishanka waxa muuqata innuu is bedalay mid siyaasadeed oo ay ku hirdamayaan xisbiyada mucaaradka iyo xukuumaddu.
Sida aan ilo xogogaal ah ku helay ku tagrifal awoodeed oo ka badan inta xeerka guud ee doorashooyinku siinayo xubnaha komishanka qaarkood ayaa meesha ka baxday kadib markii Agaasimaha guud ee cusubi xilka la wareegay, taasoo xataa wiiqday ama meesha ka saartay awoodo ay lahaayeen shaqaalaha ama agaasime waaxeedyadda qaarkood, kuwaas oo mararka qaarkood lagu sifayn jiray inay kaba awood badnaayeen Agaasimaha guud iyo guddoomiyaha iyagoo ka leg haystay xubnaha komishanka qaarkood.
Qaraxa iyo khilaafka dilaacay wuxuu soo taxnaa doorashada ka hor, taasoo xubnaha qaarkood aanay marna diyaar u ahayn in Riyo raac maamulo.
Si kasta ha ahaatee, dooda kaltuun waxay dooxday oo ay daaha ka ragtag xog aanay dadka intooda badnaa ogayn, walow inta ay daaha saartay ka badan tahay.
In kale waxaynu ka sugi docda kale ee leh Riyo raac iyi Agaasimaha maadaama ay kaltuun eedo maamul iyo kuwo musuq maasuq ba ujeedisay.
Sidoo kale, dooda kaltuun waxay u marag furtay dariiqa uu madaxweyne muuse u maray sababta uu guddida u magacaabay oo oo daliishaday maamul xumo iyo musuq maasuq sida ka muuqata qoraaladda hanti dhawrka iyo xisaabiyaha guud, walow aannu madaxweynuhu soo bandhigin nuxurkooda, inkasta oo lagu qanci karo sababta uu guddida u magacaabay inay jiraan labada eedood ee ay kaltuun saartay Riyo raac iyo aagsimaha, halka aynu hayno dhinaca kale Riyo raac qoraalka uu madaxweynuhu kusoo faragaliyey in uu isna eeda musuq maasuqa iyo maamul xumadda uu xubnaha kale Dusha ka saaray.
Doodaha illaa hada muuqdaa waa kuwo wax badanni dahsoon yihiin, hase yeeshee inta imika muuqataa tahay mid faham guud laga qaadan karo si kasta labada dhinac ha u dedaan doorka siyaasadeed ee mucaaradka iyo xukuumadda’e, taasoo ifafaalaha laga dhex dheehan karaa tahay mid lagu kala adkaan doonno.
Ilaahaw shicibka masaakiinta ah u miciin oo ka badbaadda sharka siyaasadda.

Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto).