Raysal-wasaare Rooble oo Billad guddoonsiiyey Qalbi-Dhagax oo Muqdisho yimi

Muqsisho (aftahannews):- Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax oo ka mid ah saraakiisha sare ee ONLF ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, sannado kadib markii ay dowladda Soomaaliya u gacan gelisay dowladda Ethiopia.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Rooble,
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xafiiskiisa iyo xarunta xukuumadda ku qaabilay Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax.

“Ra’iisul Wasaaraha ayaa Qalbi dhagax ka xaalmariyay gaboodfalkii lagula kacay isaga iyo ururkii uu ka tirsanaa ee ONLF,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Halgamaa Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbidhagax huwiyay calanka jamhuuriyadda, guddoonsiiyayna billad, waxa uuna shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay sida ay u garab istaageen, muwaadinkan Soomaaliyeed ee sida gardarrada ah loogu gacan galiyay dal shisheeye.”

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Rooble ayaa 23-kii bishii Janaayo ee sanadkan baabi’isay go’aan ay horay u gaareen Golaha Wasiirradu, kaas oo Qalbi-dhagax iyo ONLF ku tilmaamay argagixiso.

Qoraal xilligaas kasoo baxay Golaha Wasiirada ayaa lagu sheegay In dhiibistii Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) “ay ahayd xad-gudub lagula kacay Dastuurka Ku Meel-gaadhka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya qodobkiisa 4aad, Xeerka Ciqaabta Soomaaliya Qodobkiisa 11aad iyo Hab-raacyada uu jeexay Habka Xeerka Ciqaabta Soomaaliya Qodobaddisa 278 & 279.”

Dhiibista Qalbi-Dhagax ee Itoobiya ee 2017-kii, ayaa cadho xooggan ka abuurtay gudaha Soomaaliya, waxaanay noqotay mid ka mid ah qodobbada sida aadka ah loogu dhalliilo dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxa Safarka Qalbi-Dhagax ee Muqdisho ku soo beegmay  maalma ka hor doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo dhiibistiisii Itoobiya bar madoow ku noqotay Madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Raysal-wasaarihiisii hore Xasan Cali Khayre oo hoggaanka Soomaaliya ugu sarreeyey markii ay Qalbi-Dhagax dhiibeen, kuwaasoo immikana ka mid ah Musharraxiinta Madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya.