Raysal-wasaare Rooble iyo Wakiilka Midowga Afrika Maxay ka Wadahadleen?

Muqdisho (aftahannews):- Raysal-wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta kulan la yeeshay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, waxaanay ka wadahadleen arrimo la xidhiidha arkaynta nabadgelyada guud iyo ta doorashada.

Raysal-wasaare Rooble, ayaa xafiiskiisa kula kulmay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Fransisco Madiera, iyagoona ka wada-hadlay kaalinta AMISOM ee amniga doorashooyinka.

Shirkan, ayaa yimi maalin uun kaddib markii al Shabaab saddex weerar ay ka geysteen garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdishu iyo magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Weerarkii garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay lix qof, halka labadii qarax ee ka dhacday magaalada Beledweyne ay ku dhinteen 48 qof, 108 kalena ay ku dhaawacmeen.

Ra’iisul Wasaaraha waxa uu hoosta ka xariiqay in falalka noocan ahi aysan marnaba ka horjoogsan doonin xaqiijinta in dalka ay ka dhacdo doorasho sida ugu dhaqsiyaha badan.

Rooble, waxa uu shacabka Soomaaliya  ku boorriyay inay feejignaan dheeri ah u yeeshaan dadka nabadda iyo naftoodaba cadawga ku ah. In ay gacan ku siiyaan Xukuumadda hirgelinta doorashada iyo in dalku yeesho hoggaan cusub oo ka samata bixiya xaaladda adag ee amni, siyaasad, dhaqaale iyo bani’aadminimo ee waqtigan ka taagan Dalka Soomaaliya.