Xisbiga Waddani oo ku baaqay in la Xidho Askar Saxafiyiin dhibaato u gaystay

Hargeysa (Aftahannews) – Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa xukuumada ugu baaqay in ay sharciga hor keento, askar tii la sheegay in ay sirdoonka ka tirsanayeen, ee habeenkii Sabtida jidhdilka u gaystay wariyayaasha kala ah Cabdisalaan Germany iyo Cali Mahdi Jibriil.

Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Xisbiga Waddani Maxamed Faarax Cabdi, oo warbaahinta la hadlay, ayaa ka dayriyay in xukuumadu talaabo cadaaladeed ka qaado, falka wariyayaasha lagu wax yeeleeyay, isagoo sheegay in xukuumadu anay hore uga jawaabin dacwad ay ka gudbiyeen dad isaga iyo saraakiil xisbiga ka tirsan handadaad u gaystay.

“Inamadan wariyayaasha ah ee la weeraray waxan leeyahay idinka habeen ayayba idinku dhacdee, anaga maalin cad ayaa nala weeraray, anaga warqadayadii taliyaha booliiska ayay agtaala wax jawaab ahna kama hayno, tiinuna taa ka duwanaan mayso” ayuu yidhi xogeeyuhu.=

Waxa uu xukuumada Somaliland ugu baaqay in si dhakh so ah sharciga loo horkeeno raga wariyayaasha dibaatada u gaystay, isagoo sheegay in shacabka Somaliland ay ogyihiin siday waxbu socdaan isla markaana ay xukuumada hal xidhaale ku tahay.

“Inamadani ma sharciga ayay ka wayn yihiin, inamada Facebookyada wax ku qoraba waata la qabtee, inamada dadka telefoonada kaqaataba waata la xidhee, inamada tooriyaha dadka ku qabtaba waata la xidhee… waa hal xidhaale horyaala xukuumada, shacabku dhoohane maaha” ayuu yidhi xogeeyuhu.

Sirdoonka Somaliland ayaa marar kala duwan lagu eedeeyay in ay dhibaato u gaysgeen saxafiyiin iyo siyaasiyiin, inkasta oo hay’ada sirdoonku anay marna arrinta wax jawaab ah ka bixin.