Aqoonsigu waa maqan yahay, laguna heli maayo haddii aan istiraajiyad fog la dejin

Aqoonsigu waa maqan yahay, laguna heli maayo haddii aan istiraajiyad fog la dejin
Maraykanku waxa uu sheegay in aanu casumin madaxwaynaha Somaliland ee uu iskii u tegay (at his initiative). Waxa kale oo uu carrabka ku adkeeyey in uu ilaalinayo madax-banaanida iyo is-haysashada dhuleed ee Somalia una yaqaan Somaliland in ay tahay gobol ka mid ah Somalia. Balse uu ku ixtiraamayo guulaha ay gaadhay. (xigasho waraysi uu bixiyay safiirka Maraykanka ee Somalia).
Arimahani ma cusba oo Somaliland dalalka adduunka oo dhami waxa ay u yaqaaniin qayb ka mid ah Somalia. Waa sababta aynu aqoonsiga u baadi goobaynno. In aynaan is dhigan oo aynu ogaanno dadaalka ina horyaal waa wax fiican oo mudan in la is xasuusiyo.
Waxa aad u cusub in xukuumadda Somaliland aanay si fiican ugu waramin shacabka ujeedada safarka, waxa laga filanayo, in la casumay iyo in kale iyo waxyaabaha la midka ah. Arinkaasi waxa uu keenay in dadka rajadoodu sare u kacdo. Dabadeed run qadhaadh ayaa la inoo dhiibay.
Annigu xukuumadda waxa aan kula tallin lahaa:
1. Inay kala dayso aqoonsi raadiska iyo siyaasadda: wax badan oo dhacay maalmihii u danbeeyey waxa ay ahaayeen wax loogu talo galay gudaha (domestic consumption) ee ma ahayn falal iyo hadal waxtar u leh aqoonsi raadiska.
2. In dadaaladda arimaha debedda aan loo buun buunin si ka baxsan waxa ay yihiin. Taasi waxa ay ku qasbaysaa madaxda dalalka kale inay mawqifkooda cadeeyaan oo ay hadlaan. Waa in galaan galku noqdaa mid leh yool iyo istiraajiyad ee aan ahayn “igu sawir.”
3. Inay runta ka sheegto arimaha debedda si ay dadku ula qabsadaan islamarkaana diyaar ugu ahaadaan caqabadaha jira iyo kuwa soo socda. Dadku iyaga ayaa go’aansaday inay dal madax-banaan noqdaan. Uma baahna in la maweeliyo. Inay yihiin dal aan la aqoosan oo dadaal ku jira way og yihiin.
4. Inay awoodda saarto arimaha gudaha, oo ay ka fogaato wax kasta oo kala qaybinaya shacabka si loo wajihi karo culayska ay leedahay aqoonsi la’aantu, dadaalkuna u noqdo mid loo midaysan yahay.
5. Inay ka taxadarto hirdanka quwadaha waayo Afrika waxa meeshaas dhigay sidii ay ugu dhex jirtay wax aan danteeda ahayn oo ay ugu kala hiilinaysay dad aan iyadaba rabin.
Socdaalka madaxwaynuhu khasaare ma aha waayo saaxiibo ayuu Somaliland u samayn karaa mar uun kursiga fadhiisan kara ama ka gacan siin kara waxyaabo ay u baahan tahay.
Waxa aan rajaynayaa inay Somaliland hesho aqoonsi. Waana dadaal ay tahay in laga wada qayb qaato.

waxa Qoray Guuleed Dafac