Xasan Wuxuu gaadhay go’aan Naftiisa Halis ku ah iyo Sababta Kalliftay!

Hargeysa (aftahannews):- Wuxuu go’aansaday in uu mid ka mid ah Kelyihiisa iibiyo, si uu u maareeyo noloshiisa, ta qoyskiisa iyo dib u bilaabidda ganacsigiisa aafooyinka is biirsaday meesha ka saareen.

Xasan Muxumed Cabdillaahi (Shinniile), waxa uu hadda joogaa waa beer ku taalla duleedka Magaalada Gabiley ee xarunta gobolka Gabiley ee dalka Somaliland, waxa beertan uu ku dhiqi jiray Shinni, waxaanu ka ganacsan jiray Malabka ay Shinnidu samayso oo aad loo jeclaa, suuq fiicanna haystay.

Waxaana ka shaqayn jiray illaa soddon qof oo shaqaale u ahaa, balse hadda keligii ayaa dhex jooga oo kolba sanduuq kuwii malabku ka buuxi jiray ah eegaya, markuu daboolka ka qaadana, wuxuu arkayaa Sinnidii Malabka samayn jirtay oo wada meyd ah ama wada dhimatay, markasta oo uu sanduuq furana wuxuu u muuqdaa mid sii mooraaljabaya.

Inkasta oo xaaladdii Covid-19 iyo Abaaruhu saamayn xooggan ku keeneen socodkii ganacsigiisa iyo waxsoorka shinnida, haddana ganacsigiisu wuu sii socday, balse dhibtuba waxay u bilaabantay oo Shaqaalu wada dareereen, markii shinnidu dhimatay.

Shinnidu waxay sababsatay duullaanka ay Xukuumadda Somaliland ku buufinaysay Xawayaanka Ayaxa oo ku habsaday dhul daaqsimeedka iyo beeralayda gobollada dalka oo Gabiley ka mid tahay.

Sunta Ayaxa lagu buufiyey oo Beeralayda iyo Daaqsatadaba Dan cadaw lagaga qabtay ay u ahayd, Xasan waxay u noqotay Wadkii Shinnidiisa Dabarjaray.

Haseyeeshee, waxa dhacayba waxa kaga sii daran in madaxda Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland oo shinnidiisa iyo ayaxa buufisay iyo masuuliyiinta dowladda ee uu u cawday dhagaha ka furaysteen. Sidaa daraadeeedna uu qaatay go’aankan qallafsan ee uu jidhkiisa ku furfurayo.

Xasan Shinniile waxa uu sidaa ku sheegay mar uu maanta u warramay Weriye ka tirsan Sahan TV, oo Booqday Beertii Malabka oo hadda Xabaalaha Shinnida noqotay.

Haddaba, Xasan Shinniile oo si qiiro leh uga warramaya arrimahaas gaadhsiiyey inuu qaato go’aankan qadhaadh, waxaaan idinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho habhoon:-

aftahannews.com 

aftahanmursal@gmail.com.