Somalia: Midowga Musharraxiinta oo ka hadlay Xayiraaddii Shariif Xasan

Muqdisho (aftahannews):- Midowga musharraxiinta madaxweynaha Soomaaliya, ayaa si kulul u cambaareeyay is-hortaaggii lagu sameeyay Madaxweynihii hore ee Maamulka Koonfur-galbeed, Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Shariif Xasan, ayaa maalmo ka hor loo diiday inuu u safro magaalada Baydhabo, isagoo qorshihiisu ahaa inuu u tartamo kursi barlamaan. Hase yeeshee waxaa loo diiday inuu ka duulo garoonka Aadan Cadde.

Warsaxaafaddeed kasoo baxay midowga musharraxiinta ayaa xanibaada safar ee lagu sameeyay Shariif xasan waxaa lagu tilmaamay inay ahayd arrin kasoo horjeeda xaquuqda dastuuriga ee muwaadiniinta Soomaaliya.

Musharraxiinta waxay eeda xanibaada Shariif Xasan dusha uga saareen maamulka Koonfur Galbeed oo kaashanaya dowladda federalka Soomaaliya.

Waxay sheegeen tallaabadan inay qeyb ka tahay boobka lagu hayo doorashada Baarlamaanka Soomaaliya.