Midowga Afrika & Somalia oo isku raacay Qorshe lagu beddelay Howlgalka AMISOM

Muqdisho (aftahannews):- Midawga Afrika iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isla meel dhigay qorshaha lagu bedelayo howlgalka (AMISOM), iyadoo lagu bedelayo howlgal cusub ee loogu magac daray ATMIS.

Howlgalkan oo qorshuhu yahay inuu bilowdo bisha abril, ayaa ogolaansho ka heysta labada dhinac ee guddiga Nabadda Midowga Afrika iyo sidoo kale Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Guddoomiyaha Midowga Afrika ee arrimaha siyaasadda, nabadda iyo amniga, Bankole Adeoye, ayaa sheegay in howlgalka cusub uu diiradda saari doono in si buuxda mas’uuliyadda amniga loogu wareejiyo ciiddamada qalabka sida ee dowladda federaalka Soomaaliya.

“ATMIS-ku waxa uu 100% la jaan qaadayaa qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya. Tani waxay inna tusaysaa in istiraatijiyadda Dowladda Soomaaliya iyo ujeeddada ATMIS la is waafajin doono.” ayuu yidhi Bankole Adeoye, oo safar ku yimi caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Danjire Adeoye oo kulamo la qaatay Madaxda dowladda Soomaaliya, ayaa sheegay in hannaanka lagu hagayo howlgalkan uu yahay ixtiraamka madax-bannaanida iyo wada-jirka dhuleed ee Soomaaliya.

Midowga Afrika, ayaa sheegay in howlgalka ATMIS uu yeelan doono ciidan guur-guura oo si degdeg ah u burburin kara Alshabaab iyo kooxaha hubeysan ee caqabada ku ah amniga iyo kala dambaynta Soomaaliya.