Xukuumadda Somaliland iyo Shirkadaha Isgaadhsiinta oo Heshiis Cusub kala Saxeexday

Hargeysa (aftahannews):- Xukuumadda Somaliland iyo Shirkadaha Isgaadhsiinta ee dalka ka shaqeeya, ayaa kala saxeexday heshiis wado lahaansho xadhigga Internetka ee Fiber Obtigga Badda hoosteeda mara.

Kulanka Madaxweynaha Somaliland iyo Shirkadaha Isgaadhsiinta 2022
Kulanka Madaxweynaha Somaliland iyo Shirkadaha Isgaadhsiinta 2022

Waxa sidaa lagu sheegay War-murtiyeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta aftahannews.com, waxa uu u dhignaa sidatan:-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 08,02,2022 qasriga madaxtooyada, ku qaabiley madaxda shirkadaha gaarka loo leeyahay ee isgaadhsiinta oo uu heshiis guul ku soo dhammaaday dhexmaray dawlada Jamhuuriyadda Somaliland.

Heshiiskan oo nuxurkiisu yahay in la wadaago lahaanshaha xadhiga fiberka ah oo ah hanti qaran. Xadhigaas oo ay wada yeelan doonaan Dawlada Jamhuuriyadda Somaliland oo ay heshiishka ku matalayso Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland iyo saddexda shirkadood ee kala ah:

1. SOMCABLE oo uu metelayey Ganacsade Maxammed Siciid Geeddi.

2. SOMTEL oo uu metelayey Ganacsade Maxammed Siciid Ducaale.

3. TELESOM oo uu metelayey Ganacsade Cabdikariim Maxammed Iid.

4. Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland oo uu u saxeexay Dr. Cabdiweli Sh. Cabdilaahi Suufi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu ku bogaadiyey heshiiska taariikhiga ah ee dhexmaray shirkadaha iyo Dawlada Jamhuuriyadda Somaliland ee ku qotoma Isfahanka iyo wada-shaqaynta, Isaga oo madaxwaynuhu uga mahadceliyey shirkadaha dalka maalgashaday iyo doorka ay ugu fadhiyaan qaranka oo ah mid lama illaawaan ah.”

2010kii ayuu Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed-Siilaanyo uu xadhigga Internetka ee Fiber Obtigga u saxeexay shirkada SOMCABLE oo ka keenaysay dalka Jabuuti, halka xilligaa la diiday Dalcom oo doonaysay inay Berbera soo dhigto xadhiggaas.

2011kii ay Golaha Wakiillada Somaliland waxay ansixiyeen heshiiskaas, oo dhegayey in muddo 25 sano ah aanay Shirkadda Somcable mooyee shirkad kale dalka keeni karin Internetka Fiber Obtigga.

Haseyeeshee, Madaxweynaha Dalka Muuse Biixi Cabdi, ayaa buriyey, isla markaana waxa laalay heshiiska kootada 25ka sano dhigayey ee SOMCABLE Internetka Fiber ka loogu xidhay isla Golihii ansixiyay ee Wakiillada. Markaa ka dib waxay Shirkadaha kale ee isgaadhsiinta Somaliland bilaabeen qorshe xadhigga Fiberka ay kaga soo jiidayaan Badda Cumaan, isla markaana ku keenayaan Badda magaalada Berbera ee Somaliland.

Waa markiiuguhorreysay ee heshiis kan oo kale ah ay wada galaan dowladda Somaliland iyo Shirkadaha gaarka loo leeyahay ee isgaadhsiintu.