Jigjiga: Wefti ka Socda Qaramada Midoobay oo u yimi Xog ka helista Saamaynta Abaaraha DDS

Jigjiga (aftahannews):- Wafti ka socda Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNOCHA, ayaa maanta gaadhay magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad-deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, si ay indhahooda ugu arkaan xaaladda Abaarta oo sida ba’an u saamaysay deegaanka Soomaalida.

Masuuliyiintan oo uu hoggaaminayo Daniel Peter oo ah Agaasimaha Bariga Africa ee UNOCHA oo fadhigiisu yahay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isla markaana uu weheliyo Michel Saad, oo ah Madaxa UN-OCHA ee Xafiiska Itoobiya,  waxaa garoonka Diyaaradaha ee Jigjiga si diirran ugu soo dhaweeeyay La-Taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca arrimaha bili’aadmitinimada Axmed Ismaaciil, Wasir-ku-xigenka Xafiiska Maaraynta Khataraha Masiibooyinka Saadiq Cabdiqaadir iyo Masuuliyiin kale.

Ujeeddada Safarka masuuliyiinta,  ayaa ah u kuurgelidda xaalaadaha Abaaraha ee deegaanka, iyaga oo booqan doona goobaha ay Abaaruhu saameeyeen ee gobolka Faafan.

Xubnahan ka socda UNOCHA waxa ay kulammo la qaadan doonaan Madaxweynaha DDS Mustafe Muxummed Cumar iyo Mas’uuliyiinta xafiisyada ku howlan ka-jawaabista Abaaraha.

Toddobaadkii hore waxaa yimi dowlad-deegaanka Soomaalida Raysal-wasaaraha Itoobiya Abiye Ahmed iyo Wafti la socda oo sheegay inuu u yimi si uu xog uga helo xaaladda Abaarta iyo saamaynteeda.

Waxa sidoo kale Wafti ka socday Hay’adda QaramadaMidoobay u qaabbilsan Cuntada ee WFP, waxaanay kulligood ballanqaadeen in wax u tari doonaan Dadka Abaaruhu saameynta ku yeesheen ee Xoolihii ay hayseenna Abaaruhu galaafteen.