Musharraxa Madaxweynaha UCID oo la kulmay Masuul ka tirsan dawladda Ustareeliya

Filed under: Wararka |

Sydney(Aftahannews):- Musharraxa u taagan jagada Madaxweynaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen oo socdaal ku jooga dalka Ustareeliya, ayaa shalay kulan kula qaatay Xafiiska Wasaaradda Arrimaha Dibedda dalkaas Haweenayda ugu sarreysay Waaxda u qaabbilsan arrimaha Bariga Afrika Ms Raine Dixon.

2Kulanka oo 14-kii Bisha ku qabsoomay xarunta Wasaaradda ee caasimadda dalkaas ee Sydney, waxa uu Murashaxa Xisbiga UCID kala hadlay wasaaradda Arrimaha Dibadda Australia kaalinta uu waddankaasi ka geysan karo dhinac horumarinta adeegyada bulshada, doorashooyinka iyo sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen xidhiidhka dibloomaasiyadeed ee labada waddan.

Kaaliyaha wasiirka Arrimaha dibadda ee Australia u qaabilsan Bariga Qaaradda Afrika Ms Raine Dixon, waxa ay kulankaas ku soo qaadday Xaddi lacageed oo dhan 10 Milyan oo Dollar oo dawladdeedu ugu talo-galay inay ku caawiso Somaliland iyo Soomaaliya, balse ay ka fekerayaan qaabkii lacagtaas loo bixin lahaa iyo sidii loo xaqiijin lahaa lacagtaasi in loo maamulo sidii loogu talo-galay, sida uu sheegay Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo ka war-bixiyey waxyaabaha ay ka wada-hadleen wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Australia.

“Haweenayda aan la kulmay wax ay sheegtay inay diyaariyeen maaliyad dhan 10 Milyan oo Dollarka Maraykanka ah oo ay ugu talo-galeen inay ku caawiyaan Somaliland iyo Soomaaliya, Laakiin waxay sheegtay inaanay lacagta wali sii daynin oo ay ka baaraan-degayayso dawladda Australia qaabkii loo maarayn lahaa,” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen oo ka war-bixinayey kulanka uu la yeeshay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Australia, waxaanu sheegay in uu ka codsaday kuna qanciyey lacagtaas gar-gaarka ah inay sida ugu dhakhsaha badan ee suurta-galka ah ugu caawiyaan shacabka Somaliland.

5

“Waxaan ku qanciyey baahiyaha waawayn ee ka jira dalka oo aad u badan dhinaca wax soo saarka Beeraha, iyo waliba horumar ay Somaliland ka nabada Iyo dimoqraadiyada. Dalka Ustareeliya waxay aad u yaqaanaan Beeraha iyo Xoolaha oo innagu xaggaasaynu isaga mid nahay, waxaanan u sheegay inay lacagtaas toos ugu caawiyaan Somaliland halkii ay uga sii marin lahaayeen hay’ad kale oo sii dilaasha. Runtiina, faa’iido weyn baan inoogu jirta haddii ay dawlada Australia barto shacbiga Somaliland sida looga faa’idaysto beeraha Iyo xoolaha. Shacbiga Somaliland waxay u noqonaysaa dhaxal gal oo waxa dhacaysa in ay Ssomaliland sii dhoofiso waxa ka soo baxa beeraha,” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen oo ka war-bixinayey Waxyaabaha uu kala hadlay haweenaydan wasaaradda Arrimaha Dibadda Australia u u Qaabilsan Bariga Afrika.

Murashax Jamaal Cali Xuseen oo shacabka Somaliland eek u nool dalka Australia kala qayb-galaya xuska munaasibadda 18-ka May, ayaa todobaadkan gaadhay dalkaasi ka dib markii uu safarro kala duwan ku maray dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska oo munaasibado ballaadhan oo taageeradiisa lagu muujinayo lagu soo dhaweeyey.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.

You must be logged in to post a comment Login