Somaliland: Xog Fashilisay Dhaqaale laga qaaday Shirkadaha Isgaadhsiinta oo ku dhacay Gacmo Gaar ah!

Wasiirka Isgaadhsiinta Somaliland iyo Adeegyada Wasaaraddu Lacagta ku qaadday 2021
Wasiirka Isgaadhsiinta Somaliland iyo Adeegyada Wasaaraddu Lacagta ku qaadday 2021

Wasaarada Isgaadhsiinta  Oo Qabanaysa Shirka ICTga Iyo Cadadka Dhaqaale Laga Ururiyay Shirkadaha Ka Qaybgalaya + Dareenada Musuq Maasuq Ee Ku Gadaaman!

Wasiirka Isgaadhsiinta Somaliland iyo Adeegyada Wasaaraddu Lacagta ku qaadday 2021
Wasiirka Isgaadhsiinta Somaliland iyo Adeegyada Wasaaraddu Lacagta ku qaadday 2021
Wasaarada isgaadhsiinta iyo technolajiyada Somaliland ayaa Sanadkii labaad oo xidhiidh ah qabanaysa shirkada ICTga kaasi Oo mudo kooban ka socon doona. 
Shirka ICTga Ee ay qabanayso wasaarada isgaadhsiintu ayaa Lacago badan ay ka ururisay shirkadaha isgaashiinta ee Waawayn ee dalka iyo kuwo yaryar ee u shaqeeya nidaamka ICTga kaasi oo ay abaabulkiisa wado shirkad gaar ah oo lagu magacaabo WADAAG.
Haddaba, sida uu sheegay Wasiirka isgaadhsiintu shirkan ayaa Dhaqaalaha ku baxaya waxa bixinaysa wasaarada oo ay ku jirto Miisaaniyada dhaqaalaha shirkan loo qoondeeyay halka dhanka kale Shirkadaha isgaadhsiinta laga qaaday lacag tiro badan oo ku dhacaysa Akoono gaar loo leeyahay amaba ka shirkada gaarka loo leeyahay ee “WADAAG” Taasi oo shacabka ku abuurtay dareeno kala duwan oo daboolka ka qaaday in wasiirka isgaadhsiinta qayb ka yahay shirkada gaar ah  oo Iyadu marwalba oo wasaaradu wax qabanayso ku lamaan islamarkaana boodhka shirarka ay wasaaradu qabanayso lagu soo daabaco shirkadaha gacanta ka gaystay  qabsoomi shirkan xilli dhaqaalaha ku baxaya ay wasaaradu bixisay ismarkaana aanay jirin sobob dhaqaale kale looga urursado shirkadaha isgaadhsiinta ee gaarka loo leeyahay iyo kuwo ku shaqeeya nidaamnka ACTga.
Shirkadaha waawayn ee isgaadhsiinta Somaliland ayaa sida xogta aanu ka helay sheegayso laga qaaday midiiba lacag dhan, inta udhaxaysa 20000 dollar ilaa 15000kun taasi oo noqonaysa uga yaraan 55000kun oo dollar halka ilaa 10 shirkadood oo yar yar kuna shaqeeya adeega ACTga laga qaaday inta udhaxaysa 8000kun dollar ilaa 4000$ taasi oo dhaqaale lagu qiyaasay  cel celis ahaan 60000$.
Dhaqaalaha ay wasaarada isgaadhsiintu ka urursatay shirkadaha gaar loo leeyahay ee isgaadhsiinta ayaa dhan ilaa 115000$ taasi oo sida xoguhu tibaaxeen ku dhacday Akoono Gaar ah oo wasiirku leeyahay iyo shirkada uu qayb ka yahay  ee WADAAG KU dhacda, halka miisaaniyada wasaarada ay ku jirto dhaqaalaha ay ugu talo gashay qabsoomida shirkan ay ka baxayso qasnada dawlada.
Shirka ACTga ayaa lagu wadaa in uu socdo mudo laba cisho ah kaasi oo dhaqaalaha ku baxaya lagu qiyaasay marka la buun buuniyo 8000kun oo dollar halka lacagta sida gaarka looga ururiyay shirkadaha isgaadhsiintu ay dhan tahay 115000$ waxaana halkaasi ay  ka muuqato fadeexadaha musuq maasuq ee dul hoganaya wasiirka wasaarada isgaadhsiinta Iyo Technoolajiyada Dr cabdwali sheikh cabdilaahi.
Dhanka kale wasiirka wasaarada isgaadhsiinta ayaanay waxba ka hirgalin qalab uu sheegay in wasaaradu soo iibsanayso si loo ogaado isticmaalka telefoonada iyo taawarada shirkadaha oo aanay waxba ka hirgalin iyadoo lagu daray miisaaniyada wasaarada ee sanadihii lasoo dhaafay, dhaqaalahaasi oo aan lahaynin meel uu maray iyo qalab lasoo iibiyaytoona.
Si kastaba ha ahaatee bulshada reer Somaliland ayaa dareeno kala duwan ka bixisay qaab musuq maasuq ee wasiirka wasaarada isgaadhsiintu ku kaco iyo war la,aanta haayadaha dawlada ee qaabilsan dabagalka wasaarada iyo ilaalinta hantida qaranka iyagoo si dhow ula socda talaabada uu madaxwayne biixi ka qaado iyo xogogaal unoqoshada wax isdaba marin baahsan ee dul hoganaysa wasaarada isgaadhsiinta oo intii xukuumada madaxwayne biixi jirta waxyaabo badan oo balan qaaday aanay fulin ismarkaana dhaqaalihii loo qoondeeyay aan ilaa hada la ogayn meel uu ku danbeeyay.
Mustafe Aadan Tahar.