Hargeysa(Aftahanws):- Ugu yaraan laba Ruux ayaa ku dhintay iska hor-imaad maanta ku dhex maray Deegaanka Balan-balle oo ka tirsan Buuhoodle laba Maleeshiyo beeleed oo hubaysan, hal qof oo kalena waxa ka soo gaadhay Dhaawac.
Iska hor-imaadkan oo dhacay Duhurnimadii Maanta ayaa dhex maray Maleeshiyaad ka soo kala jeeda Bulshada ku dhaqan Deegamada Sool-joogta iyo Qorulugud, kaasoo ka bilaabmay Tuulada la yidhaahdo Maygaagle oo u dhaxaysa Sool-joogto iyo Qorulugud, halkaasoo lagu dilay Nin labada dhinac mid ka mid ah ka soo jeeda.
Dad goob-joogeyaal ah ayaa Gobanimonews u sheegay in markii dilkaasi dhacay wax yar kaddib, Maleeshiyo is abaabushay oo ay isku deegaan yihiin ninka dhintay weerareen Dad xoolo dhaqato ah oo Deegaanka Balan-balle Degen, halkaasoo ay Nin ku dileen mid kalena ku dhaawaceen.
Labada qof ee midkood la dilay, ayaa sida goob-joogeyaashu sheegeen ka mid ahaa Maleeshiyo kale iska difaac kala hortegay weerarka dhinaca kale ku soo qaaday, taasoo markaas sababtay iska hor-imaad.
Xaalada oo Degen Caawa iyo gurmad la’aan
Dadka Deegaanka ayaa Gobanimo u sheegay in Dagaal wax yar socday oo dhinacyadan u dhexeeyay markii dambe iskii u istaagay.
xaalada meesha dagaalkaasi ka dhacay ayaa ilaa galabnimadii maanta Caawa degen, kaddib markii ay labada dhinac xabada iskood isaga joojiyeen .
Dhaawac la soo gaadhsiiyay Buuhoodle
qofka ku dhaawacmay Iska hor-imaadkan oo sida la sheegay Oday da’a ah ayaa la soo gaadhsiiyay Cisbitaalka Buuhoodle, sida ay saraakiisha Caafimaadku Gobanimo u sheegeen.
Ma jiraan ilaa hada wax gurmad amaanka lagu sugayo oo halkaasi gaadhay, waxaase socda abaabul la doonayo in beri halkaasi lagu waajaho si aan xiisadu u sii balaadhan.
Fadhiisin hore oo ciidan
Deegaanka dagaalku ka dhacay ayaa dhawaan laga soo raray Ciidamada Somaliland oo fadhiisin ka dhigtay xiligii Xiisada Beeleed ka dhacday Deegaanka Kalshaale oo Jiidaasi ka tirsan.
Maleeshiyaadka Dagaalamay ayaa ka soo kala jeeda Beelihii hore ugu dagaalamay Kalshaale.
Ciidamada halkaasi laga soo qaaday, taasoo qayb ka ahayd Heshiiskii dhex maray Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleban Ciise Xaglo-toosiye iyo Xukuumadda Somaliland, markii Wasiirku u soo wareegay xaga Somaliland.
Ciidamada Somaliland ayaa dagaallo Khasaare geystay ku dhex mareen Sool-joogto, Balan-bale iyo Maygaagle intii Fadhiisinkoodu halkaa ahaa, waxaana dagaalkaasi markii dambe isu bedelay mid hab siyaasaddeed salka ku hayey.
Wasiir Xaglo-toosiye oo Buuhoodle ku sugan
Dadka Deegaanka Sool-joogto oo iska hor-imaadkan Maanta dhinac ka ahaa ayaa todobaadkan balanqaaday inay Nabad-gelyada deegaanka iyo sidii ay nabad ugula noolaan lahaayeen dhinaca ay Ood-wadaagta yihiin ee Qurulugud ka shaqayn doonaan.
Balanqaadkan ayey kaga jawaabeen dalab Wasiir Xaglo-toosiye u gudbiyay afar Maalmood ka hor, xili uu Tuulada Sool-joogto dhagax dhigay Xarun Caafimaad oo laga dhisayo.
Wasiir Xaglo-toosiye ayaa wali ku sugan Magaalada Buuhoodle oo Booqasho Taarikhi dawladdiisu ku tilmaanyo ku isagoo Wasiir ah ku joogo.
Xigasho Gobanimonews.