
Ehellada dadka ku xayiran goobta laga qodayay macdanta ayaa ka walwalsan xaaladdooda
Dadka ka shaqeeya samatabixinta ayaa si weyn u baadi goobaya in ka badan200 oo macdan qodayaal ah kuwaas oo weli la la’yahay.
Boqollaal qaraabo la ah dadka ka shaqeynayay macdanta laga qodo oo walwalsan ayaa ku soo ururay meel u dhow meesha laga qodo macdanta, xilli dadka ku howlan badbaadinta ay bannaanka keenayaan dadkii dhintay iyo kuwa dhaawaca ah.
Mucaaradka oo eeday Erdogan
Ra’iisul wasaare Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay, in dareenkiisa uu la jiro dadka ay saameysay musiibada.
Xisbiga ugu weyn mucaaradka Turkiga ee Republican People’s Party ayaa sheegay in dowladda ay qaadayso mas’uuliyadda waxa ay ku tilmaameen musiibada weyn ee ka dhacday goobta laga qodo macdanta ee Soma
Kooxaha gurmadka ayaa ku howlan si ay boqolaal qof oo dhulka hoostiisa ku xayiran u soo badbaadiyaan.
Aftahannews.com
Muqdisho/Soomaaliya/Office.