
Kooxda Boko Xaraam ayaa sheegtay inay ka dambaysay afduubka gabdhaha. Isra’iiliyiintu waxay ku biiri doonaan Maraykanka, Britain iyo Faransiiska oo horey u gaaray dalka Nigeria.
Madaxweynaha Nigeria Goodluck Jonathan ayaa sheegay in tani ay astaan u tahay in dunida oo dhan ay haatan ka qeyb qaadanayso badbaadinta gabdhaha la afduubay.
Balse weriye ka tirsan BBC-da oo ku sugan Nigeria ayaa sheegay in ka qeybqaadashada Isra’iil ee baadigoobka gabdhaha ay kala qeybin dooonto dadka reer Nigeria.
Goor sii horreysay ayaa guddoomiyaha gobolka Borno, ee gabdhaha laga afduubay, waxaa uu sheegay in gabdhaha loo kala qeybiyayay dhowr kooxood oo lagu hayo gudaha dalka Nigeria.
Xigasho BBCSomali.com.