Waxaan idiin soo gudbin doona Hadii Alle yidhaahado Taariikh Kooban oo ku saabsan Sayid Maxamed Cabdille Xasan, Allaha u naxariistee, iyo halgankii hubaysnaa ee uu kaga soo horjeeday gumaystayaasha Ingiriiska, Xabashida, iyo Talyaaniga.
Nimanyahow dabuub gabay baryahan, uma dadaalayne
Wax idaaray mooyee xalaa, laygu soo dagaye
Aan dabiibto gabaygaygu waa, dab iyo baaruude
Unkad dirigriglayn baan ahiyo, dirirta cawleede
Daad soo rogmaday baan ahoo, dooxadii yimide
Aan durduro dabaal baan ku mari, Doollo ii xidhane
Dayax iyo shamsaan ahay haddaan, lay dafirahayne
Gudcur dam ah habeen dumay dhulkoon, dacal ka nuuraynin
Ma danyado talaabada haddaan, dowga marayaaye
Dugsi haddaan la galin dhaxanta, waa lagu duloobaaye
Dabaylihiyo fooraa la tagi daar, waxaan galine
Deyrodhaafyadaan shidahayaa, dogobyo waaweyne
Dubaax ma aha xaajada midaan, diirka ka cadayne
Diirsimo halkii aan ahayn, waa siddii danafe
Waxa dunida qaarkeed ka dhacay, dood aan ka idhaahdo
Waxaa laga yaabaa dad badani markii ay maqlaan magaca iyo martabada uu Sayid Maxamed Cabdille Xasan ku lee yahay taariikhda Soomaaliyeed, baalka dahabka ah ee lagu qoray taariikhdii Daraawiishta ee uu hogaanku u hayey Sayidku, iyo xushmada ay Sayidka u hayaan dhamaan Soomaalidu Bari iyo Galbeed, Koonfur iyo Waqooyi inay isweydiiyaan: “muxuu Sayid Maxamed ku mutaystay xusuuustaa karaamaysan ee aan cid kale la wadaagin?” Haddaba suuragal ma aha in qormo qudh ah lagu soo koobo dagaal 21 sanno soconayey, haseyeeshee waxaan isku dayeynaa in aan guudmaro dhiiranaantii, geesinimadii iyo mintidkii gobonimodoonka Daraawiishta uu hogaaminayey Sayid Maxamed Cabdille Xasan kuwaa oo hadh iyo hoyba u diiday gumaysiga dhinac walbana ka wareemay.
Guutadii lasoo dumay haddii nalagu soo duushay
Wax lasoo dadaanshaba haddii nala dulgowriirshay
Dildilaaca waaberi haddii nalagu sii daayey
Annagoon digniin qabin haddii nala dabaalsiiyey
Digta weerar qoobkii hadday dininigtii yeedhay
Dooyada uluufta ah hadday Daalo kor u dhaaftay
Qayladu daluuntaye haddii nala dareensiiyey
Degdeg inaan usoo roorro waa dawlad alabkeede
Ma dul keenay kuman duubcadoo wada Daraawissh ah
Digri markuu kusoo galay xarbiga aniyo duulkaygu
Dayaaydii horeetaba baqay dabada taageene
Diigaanyo ciidana miyaan daafta kala raacay
You must be logged in to post a comment Login