SONSAF oo Casuumad iyo Su’aalo adag isugu daray Odayaasha Dhaqanka ee Soomaaliya ka yimi

Filed under: Wararka |

Hargeysa(Aftahannews):- Ururrada aan dawliga ahayn ee Somaliland (SONSAF), ayaa si adag ula garnaqsaday wefti ka kooban madax-dhaqameed iyo odayaal reer Soomaaliya ah oo maalmahan booqasho ku jooga caasimadda dalka ee Hargeysa.

sonsafDalladda ay ku midaysan yihiin Ururrada aan dawliga ahayn ee Somaliland ee SONSAF, ayaa casuumad qado-sharaf ah oo ay madax-dhaqameedka iyo odayaasha Soomaaliya ugu sameeyeen huteel Guuleed ee caasimadda maanta, waxay labada dhinac isku weydaarsadeen afkaar ku kala xidhiidha ujeeddada socdaalkooda oo ay ku sheegeen isbarasho iyo isku furka socodka bulshada ee labada dhinac iyo halka uu taagan yahay mowqifka Somaliland ee ku wajahan madax-bannaanideeda ama midow dambe oo Soomaaliyeed oo si cad loogu faahfaahiyey.

Guddoomiyaga Rugta Ganacsiga Somaliland Maxamed Shukri oo munaasibadda qadada ah furay, ayaa erayo soo dhawayn iyo faahfaahin uu ka bixiyey Ururrada aan dawliga ah ee Somaliland ku qaabilay odayaasha dhaqanka Soomaaliya, isagoo u sheegay in ujeeddada ka dambaysa dawlidnimada iyo qaddiyadda Somaliland aanay ahayn mid cid lagu xumaynayo ama lagaga aargoosanayo.

sonsaf 3Guddoomiyaha weftiga Nabad-doon Maxamed Xasan Xaad oo ugu horreyn u hadlay madax-dhaqameedka Soomaaliya, ayaa ka warramay ujeeddada socdaalkooda oo uu ku sheegay inuu ku qotomo dhawr qodob oo kala ah salaam iyo bogaadin ay u sidaan Somaliland, isbarasho dhexmarta madaxdhaqameedka Somaliland, inay wax ka bartaan habka dawladnimada iyo nabadgalyadeeda iyo waxa uu ugu yeedhay isdhexgal iyo isu-socod bulsho. “Ujeeddada ugu wayn ee aannu halkan u nimi waxa weeye in bulshadu isku furanto oo is dhexgalkii bilowdo, waa taa muhiimada ugu wayn ee safarkayagu xambaarsan yahay. Waxaan diyaar u nahay in la isdhexgalo, in la is walaashado oo la wadaago wax kasta oo bulshada u fududayn kara horumarka casriga ah oo aanay Somaliland ka xidhnayn walaalahooda kale meel kasta oo ay joogaan, markaa arrintaasi waa inay horseed u noqotaa Somaliland iyo walaalahooda Soomaaliyaba daah-fur iyo guul la taaban karo oo aan is leeyahay mustaqbalka waxay ahaan doontaa mid la mahadiyo oo labada bulshaba ay ka faa’iidaystaan,” ayuu yidhi Nabad-doon Maxamed Xasan Xaad.

Sidoo kale, Caaqil Xuseen Jilicow oo isna ka mid ah odayaasha dhaqanka, ayaa sheegay inay yimaadeen wadatashi iyo is-walaalaysi dhexmara dadweynaha Somaliland, waxaannu yidhi, “Markii aynu wax isku darsanaynay waynu tashanay, waanaynu isu nimi oo idinka ayaa keenay isu-imaatinka, haddii aynu kala taganayno in aynu wada-tashanayno shaki kuma jiro, haddaynu isu-tagaynana in aynu tashanayno shaki kuma jiro, sidaa darteed isu-imaatinkeenna ha ka gubanina, waa mid walaalnimo, hore shantii Soomaaliyeed labadii isku-tashatay ayeynu ahayn, labadii wax kala tirsatayna waynu ahayn. Cidi isku keen qasbimayso ee walaalo wada-dhashay ayeynu ahayn oo wax wada leh, gadaalna wadayeelan doona ee taa ogaada, odayaal Soomaaliyeed oo Koonfur ka socda oo Waqooyi yimi ayaanu nahay, Koonfur iyo Waqooyin intii markii hore ahayd ayaa ah.”

Waxa kale oo munaasibadda ka hadlay odayaal ay ka mid yihiin; Amiir Odawaa Shahiid, Nabad-doon Bootaan, Imaam Cumar Macallin, Nabad-doon Madoobe, Faarax Giindhe oo la sheegay inuu yahay xidhiidhiyaha safarka odayaasha iyo Somaliland iyo xubno kale, kuwaas oo ka sakow ujeeddada socdaalkooda guud ahaan ka mahadceliyey soo dhawaynta, sooryada iyo wejiga wanaagsan ee ay la kulmeen, waxaannay ballanqaadeen inay bulshada ka yimaadeen ee ku kala dhaqan gobollada ay gaadhsiin doonaan horumarka ballaadhan ee Somaliland ka gaadhay hannaanka dawladnimo, nabadgalyada, isku-xidhka iyo wadajirka shacab iyo dawladba ka dhexeeya.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Somaliland Dr. Axmed Xaashi Oday oo isna hadalka u furay dhinaca Somaliland, ayaa sheegay in dhibkasta oo dadweynaha Somaliland ka soo gaadhay midowgii Soomaaliya ay ku iloobeen inay dhistaan waddankooda oo ay cafiyaan cid kasta oo wax u gaysatay, taasina Alle ku guuleeyey. “Annagu wanaag ayaanu idinla jecelnahay oo mar walba ducada in Alle nabad idinsiiyo ayaanu ka barinaa, idinkuna ha is adkaynina oo ha is odhanina waa qaldaamiintii oo kolay soo noqon, laakiin waa go’aan aannu gaadhnay madaxbannaanida Somaliland ee yaanay idinla xumaan, markaa waxaannu idinka doonaynaa in markaad dadkiinii dib ugu noqotaan aad ku tidhaahdaan waar nimanku waxba inagalamay tegin ee aynu iska fasaxno, aynu saddex calan oo Soomaali ah ku yeelano Qaramada Midoobay ee meesha ha inagu soo yaraynina,” ayuu yidhi Dr. Oday.

Cumar Jaamac oo ka mid ah guddiga sare ee SONSAF, ayaa odayaasha dhaqanka Soomaaliya ka socday u soo jeediyey inay si mug leh u ogaadaan heerka qaddiyadda Somaliland ka taaganahay dadweynaha oo ay dalka oo dhan soo maraan, lana dabbaaldegaan xuska 18-ka May, waxaanu yidhi, “Runta markaanu idiin sheegno shacabka Somaliland inay halkan ku dhintaan oo ku gaajoodaan iyo in la aqoonsado waxay ka xigaan in la aqoonsado, waxaannu rajaynaynaa in tallaabadaasi mid aad ku dhiirrataan noqoto madaxdhaqameedku oo aad ku qancisaan xukuumaddiina, sida aad haddaba noogu qiraysaan.”

Agaasimaha Mac-hadka Xallinta Khilaafaadka ee Jaamacadda Hargeysa Prof. Aadan Xaaji Cali oo xubina ka ah guddiga sare ee SONSAF, ayaa khudbad uu madasha ka jeediyey kaga xog-warramay heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay taariikhda xorriyadii Somaliland ka qaadatay gumaystihii Ingiriiska iyo qodobadii sababta u ahaa in dadka reer Somaliland dib ula soo noqdaan dawladnimadooda sannadkii 1991-kii.

Prof. Aadan waxa uu kula dardaarmay madaxdhaqameedka inay si waaqic ah u fikiraan oo iska iloobaan xuduudihii dalkii la odhan jiray Soomaaliya, waxaannu yidhi, “Xuduudaha dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya waa kuwii uu sameeyey gumaystuhu ee maaha mid waxyi Qur’aanka ku taal, waa wax qarnigii hore inoo shaqeeyey xilli, markii dambena wuu inoo shaqaynwaayey, laakiin maaha in lagu dheganaado ee waa in aynu nidhaah maanta halkaynu taaganahay, sidaynu u wada noolaan karnaa? Annagu haddii aannu reer Somaliland nahay sida aannu aragno in aynu u wada noolaan karnaa waxa weeye mustaqbalka in aynu noqono laba dawladood oo walaalo jaar ah.”

sonsaf 2

Sidoo kale, Badhasaabkii hore ee Hargeysa Maxamed Cabdi Daa’uud oo isna ka mid ah ururrada bulshada rayidka ah, ayaa go’aan cad halkaasi ku siiyey odayaasha reer Soomaaliya, waxaannu yidhi, “Waxba kala qarsanmayno ee waxaynu ognahay markaad halkan ka baxdaan odaygiina, islaantiina ilaa siyaasigiina ta idinka go’ani waxa weeye ma go’aysaan, annagana ta naga go’ani ee aannu ku dhimanayno ee haddii kumaankun kale aannu ku waayeyno taaganahay waxa weeye Somaliland iyo madaxbannaanideeda. Idiinma hayno xasad iyo xumaan, laakiin maalin buu xasadku iman doonaa waanan idiin sheegayaaye waa maalinta dawlado shisheeye idiinka horreeyaan ictiraafka Somaliland, maalintaasi wax allaale iyo wax aynu isku nahay ma jiraane ogsoonaada, naxli iyo cadho ayaa na haysa, abaal idiinma qabno ee habaar baanu dusha idinka saaraynaa maalintaa, haddaba intay goori goor tahay cid walba idiinka nimanyahaw nooga dhawe na maqashiiya Ashahaadda.”

Ugu dambayntii, Guddoomiyaha Ururrada aan dawliga ahayn ee SONSAF Mr. Mustafe Sacad Dhimbiil oo munaasibadda qado-sharaftaasi soo xidhay, ayaa sheegay in aanay siyaasadda iyo dhaqanku kala madhnaan karin, inkasta oo odayaashu ku doodeen in aanu safarkoodu xidhiidh la hayan siyaasad, isla markaana waxa uu xasuusiyey dhibaatooyinkii xasuuqu kowda ka ahaa ee shacabka Somaliland ka soo gaadhay midowgii ay hore ula galeen Soomaaliya. “Go’aanka Somaliland-nimadu waa mid ku qotoma rabitaanka shacabka, haddii aynu markii hore wax isku darsanay oo aynu 30 sanno wada joognay, maantana 24 sanno kala maqanahay waqti ayaa wax sixi doona, markaa waar nimanyow intaanu waqtigu wax sixin ama aanay cid kale ku dhawaaqin maanta waxa idiin sharaf ah in aad garataan waxa ummaddani xaqa u leedahay. Waxaan halkan idiinka sheegayaa anigoo ku hadlaya afka ururrada aan dawliga ahayn in aanay qaddiyadda Somaliland ahayn mid aanu cid kala gor-gortamayno miis kasta oo ay taal. Waxase aannu idin leenahay Soomaalinimo ku kala tagimayno oo wax badan iyo siyaabo kale oo aannu waxtar idiinka gaysan karno oo aynu isku tabantaabin karayno ayaa jira haddii aynu meel iska dhigno xadhigga siyaasadda ee midkeenba dhinac haysto,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Guddoomiye Mustafe Sacad Dhimbiil.

Waxa kaloo halkaasi ka hadlay Jacfar Maxamed Gaada-wayne iyo xubno kale oo iyaguna ka mid ah ururrada aan dawliga ahayn ee Somaliland oo hadallo dardaaran iyo talooyin kala duwan xambaarsan u jeediyey madaxdhaqameedka iyo odayaasha reer Soomaaliya.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.

You must be logged in to post a comment Login