Madax-dhaqameedka Soomaaliya ka yimi oo si hufan uga warbixiyey ujeeddada Safarkooda Hargeysa

Hargeysa(Aftahannews):- Odayaasha Dhaqanka Beelaha Soomaaliya oo xarunta Somaliland ee Hargeysa soo gaadhay markay ka soo kicitimeen Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, ayaa markii ugu horreysay maanta ka warbixiyey ujeeddada socdaalkooda ay ku yimaaddeen Somaliland oo dareenno shaki leh ay ka muujiyeen Siyaasiyiinta Mucaaridka ah qaarkood, ka dib markii ay Odayaashu afka ka xidheen ka hadalka ujeeddadooda.

ODAY XAAD

Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah Madaxda Dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed ahna Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka Beelaha Hawiye oo hoggaanka 45 Oday dhaqameed oo Hargeysa soo gaadhay ah, ayaa isagoo ku hadlaya afka Madax-dhaqameedka waxa uu sheegay inuu socdaalkooda Somaliland ka madhan yahay ujeeddooyin siyaasadeed, balse uu yahay mid dhaqan iyo shacab.

Oday Xaad waxa uu sidaa ku sheegay kulan Qado-sharaf ah oo uu maanta Xisbiga UCID Odayaasha ugu sameeyeey Huteelka Ambassator ee magaalada Hargeysa, kaasoo ay Masuuliyiinta UCID Su’aalo kaga weydiiyeen ujeeddada ay 45 Oday Dhaqameed muddo dhawr iyo labaatan sannadood ah ay markii ugu horreysay ku yimaaddeen dalka Somaliland gaar ahaan Caasimaddiisa Muqdisho. Su’aalahaas oo uu Oday Xaad hal-hal iyo guud ahaanba uga jawaabay ka dhegayso halkan hoose ee AFTAHAN RADIO.

aftahaninc@gmiail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.