Qahira(Aftahannews):- Taliyihi hore ee Milliteriga Masar, ayaa sheegay in Ururka Ikhwaanul Muslimiinku aanu sii jiri doonin haddii loo doorto Madaxweyne waddanka Masar.

Dadka reer Masar qaarkood ayaa waddooyinka ku daawanayay wareysiga Sisi
Cabdifitaax Al-Sisi ayaa sheegay in dadka reer Masar ay diideen ururka Ikhwaanul Muslimiinka. Waxaa uu ka hadlayay TV-ga wareysigii ugu horrey ee uu bixiyo tan iyo markii uu si rasmi ah isu soo sharaxay.
Al-Sisi ayaa hoggaaminayay militeriga dalkaas marka xukunka laga tuurayay Maxamad Mursi bartamihii sanadkii hore. Hal murashax oo kaliye ayaa doorashada kula tartamaya Al-Sisi, waxaana la filayaa inuu guulaysan doono.
Doorashada madaxweyne ayaa dalkaas laga qaban doonaa muddo saddex toddobaad gudahood ah. Al-Sisi ayaa wasiirka difaaca u ahaa Mursi ka hor inta uusan xukunka ka tuurin.
Aftahannews.com
Muqdisho/Soomaaliya/Office.