“Xukuumadda Ayaa Laga Doonayaa Inay 48 Saacadood Gudahood Sharciga Ku Hor-keento Dadka Ka Dambeeyey Weerarkii Xildhibaan Qabille…”

“Somaliland waxa ay ku faantaa oo run ah inay leedahay Mucaarad xor ah iyo Nabadgelyo taam ah, hase yeeshee, falalka noocan ahi waxay meesha ka saarayaan…” Musharraxa Jagada Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen

Hargeysa(Aftahannews):- Musharraxa Xisbiga Macaaridka ah ee UCID  Jamaal Cali Xuseen, ayaa si adag uga hadlay Weerar isku day dil ah oo lagula kacay Mudane ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland oo si kulul u naqdiya Xukuumadda, waxaannu tilmaamay inaanu falkaasi ahayn mid Wanaagsan.

Musharraxa Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo Shir Jaraaid ku qabtay Caasimadda Hargaysa shalay, ayaa sheegay inay Xukuumadda uga fadhiyaan soo qabashada ciddii ka dambaysay Weerarkii la doonayey in lagu dilo Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo ka tirsan Mudanayaasha Xisbiga UCID ugu jira Golaha Wakiillada lagana soo doortay gobolka Saaxil, kaasoo nin ka tirsanaan jiray Booliska Somaliland oo ay isku beel ka soo jeedaan saddex Xabbadood ku riday dhawr habeen ka hor isaga oo marayey Xaafadda Jigjiga-yar ee magaalada Hargeysa wakhti caways ah sida uu Xildhibaanku sheegay, hase-ahaatee, ka badbaaday oo aanay xabbadahaasi wax dhibaato ahi ka soo gaadhin.

“Weerarkii lagu qaaday Xildhibaanka waxa uu ahaa mid aad u fool-xun oo laga yaq-yaqsoodo, waxaana Xukuumadda laga rabaa inay Sharciga horkeento dadkii falkaas geystay. Runtii maaha wax wanaagsan in Mudane lagu soo weeraro afkaartiisa siyaasadeed.” Sidaa ayuu yidhi Musharraxa u taagan jagada Madaxweynaha Jamaal Cali Xuseen.

Waxa kale oo uu Jamaal farriin u diray Xildhibaanka iyo Ehelkiisa, waxaanu yidhi; “Qoladaas waxaan leeyahay Sharciga gacantiinna ha ku qaadannina, Xukuumadda ayaa laga doonayaa inay 48-Saacadood gudahood Sharciga ku horkeento ciddii falkaas ka dambaysay. Somaliland waxa ay ku faantaa oo run ah inay leedahay Mucaarad xor ah iyo Nabadgelyo taam ah, hase yeeshee, falalka noocan ahi waxay meesha ka saarayaan Kalsoonidii, Amnigii iyo kala dambayntii, markaa waa wax aan wanaagsanayn.”

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo falkaas toogashada ah maalin ka dib markii uu dhacay warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in isku-dayga goor habeennimo ah oo toddobaadkan inna dhaafay ahayd lagula beegsaday Jigjiga-yar uu yahay isku-daygii saddexaad ee la isku dayo in lagu dilo, hase-ahaatee, markasta uu Illaahay amarkiisa ka badbaadayey oo aanay waxba ka soo gaadhin.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.