Somaliland oo sii deyneysa maxaabiis badan haddii Coronavirus uu gaadho

Hargeysa (Aftahannews) – Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay waddo qorshe Maxaabiista ku xidhan jeelasha Dalka lagaga bedbaadinayo Cudurka Coronavirus, haddiiba uu dalka ka dillaaco.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland, Mustafe Maxamuud Cali ayaa sheegay inay illaa hadda qaadeen Tallaabooyin la doonayo in Maxaabiista lagaga ilaaliyo Cudurka Coronavirus ee Dunida sida deg-degga ah ugu faafaya.

Wasiirka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Waa Runtaa, Jeelashu way na nugul yihiin meelaha kale, Waayo? Waa Dad badan oo meel ku wada xidhan, hadduu Hal Qof ku dhaco, waxay ka dhigan tahay inuu Maxaabiista oo dhan ku wada dhacay, sidaas darteed Qorshe weyn ayaanu u samaynay arrintaa, wacyi-gelin badan ayaanu Maxaabiista u samaynay, waxaanu u geynay Qalabkii Faro-xalka, waxaanu ku wacyi-gelinay inay kala durkaan, waxa kale oo aanu Mabnuucnay in gudaha loogu galo Maxaabiista, Cid kasta oo Ehel ah oo soo booqanaysa iyo Askarta Xabsiyaduba maxaabiista gudaha uma geli karto, si ay uga nabad-galaan wixii kaga iman lahaa dibedda.”

Wasiirka Cadaaladda ayaa sheegay in Madaxweynuhu wado Qorshe uu Xabsiyada dalka kaga siidaynayo Maxaabiista aan dambiyada culus loo haysan “Waxa kale oo aanu wadnaa Qorshe kale oo weyn, kaasi oo Madaxweynuhu nagu hoggaaminayo, kaasi oo ah in haddiiba uu Cudurku dalka yimaaddo aanu ku kala dhimi doono Maxaabiista, wixii loo arko inaan Arrintoodu khatar ahayn ama dambiyo culus ku jirin in dib loo eego, siideyntoodana Madaxweynuhu wuu ku mashquulsan yahay, dhawaana wuxuu ka soo saari doonaa go’aan fiican oo Dadka iyo dalkaba anfaca.” Ayuu yidhi.

Waxaanu intaa sii raaciyey inay xilligana yareeyeen Maxaabiista laga keeno Saldhigyada Magaalooyinka dalka ee Xabsiyada loo gudbiyo “Wixii cusbaa ee Saldhiyada laga keenayey ee jeelasha la keenayeyna waanu yaraynay. Tallaabooyinka kale ee aanu qaadnay waxa ka mid ah in Jeel walba saddex bilood Raashinkiisii la sii dhigay..”

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.