Home » Archives by category » Wararka (Page 1782)

Madaxweyne Siilaanyo oo xilka ka qaaday Agaasimihii guud ee Wasaaradda Duulista hawada

Comments Off on Madaxweyne Siilaanyo oo xilka ka qaaday Agaasimihii guud ee Wasaaradda Duulista hawada

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xilka uu hayey ka qaaday Agaasimihii guud ee Wasaaradda duulista hawada iyo gaadiidka Cirka Somaliland Axmed Dalal Faarax, isla markaana xilkaas u magacaabay Agaasime cusub. Sidaa waxa lagu sheegay War-Saxaafadeed galabta ka soo baxay Qasriga Madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa, kaasoo lagu faahfaahiyey Digreetada Madaxweynuhu xilka qaadista […]

Continue reading …

Aqoonyahan Mustafe-Haykal oo Shaaca ka qaaday inay isu abaabuleen ka qayb-qaadashada Jidka Ceerigaabo

Comments Off on Aqoonyahan Mustafe-Haykal oo Shaaca ka qaaday inay isu abaabuleen ka qayb-qaadashada Jidka Ceerigaabo

 Hargeysa(Aftahannews):- Aqoon-yahan Mustafe Haykal Cabdi Maxamed Jaamac oo ka mid ah Qurba-jooga reer Somaliland ee ku dhaqan dalka jarmal-ka, ayaa shaaca ka qaaday inay isu-abaabuleen ka qayb-qaadashada dhismaha waddada Ceerigaabo, wax laga xumaado-na ku tilmaamay ragga dhalliila waxyaabaha horumarka u ah Ummadda iyo dalka Somaliland. Mustafe Haykal oo shalay warbaahinta kula hadlay Magaladda Hargeysa, ayaa […]

Continue reading …

KULMIYE oo isku khilaafay Hoggaan ay Guddiga qaban-qaabada Shirweynaha Xisbigaasi doorteen

Comments Off on KULMIYE oo isku khilaafay Hoggaan ay Guddiga qaban-qaabada Shirweynaha Xisbigaasi doorteen

Hargeysa(Aftahannews):- Xubno isugu jira Masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE iyo Xildhibaan Mudanayaasha Golaha Wakiillada ee reer KULMIYE ka tirsan, ayaa ka soo horjeestay, isla markaana sharci-darro ku tilmaamay qaabka ay 15 Xubnood oo Guddiga qaban-qaabada shirweynaha saddexaad ee Xisbigaasi maanta ku doorteen hoggaanka hagi doona hawlaha qaban-qaabada shirkaas ee dhawaan loo soo xulay inay diyaariyaan. Xildhibaan Ibraahim […]

Continue reading …

Booliiska Madaarka Berbera oo xidhay laba Gaadhi

Comments Off on Booliiska Madaarka Berbera oo xidhay laba Gaadhi

Berbera(Aftahannews):- Ciidanka Ammaanka garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera, ayaa la sheegay inay xidheen laba Gaadhi oo ay leeyihiin Shirkadaha qaatay Qandaraaska dib-u-dhis lagu samaynayo qaybaha Madaarkaas. Labada Gaadhi ayaa qayb ka ah mashruuca dib-u-dhiska Madaarka Berbera oo ay dhaqaalaha ku baxaya bixisay dawladda Kuwait, waxaana loogu talo-galay in loogu adeego mashruuucaas oo lagu wado in […]

Continue reading …

Madaxweynaha Somaliland oo kulan la yeeshay Wakiil ka socda Qaramada Midoobay

Comments Off on Madaxweynaha Somaliland oo kulan la yeeshay Wakiil ka socda Qaramada Midoobay

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed (Siilaanyo), ayaa maanta kulan kula yeeshay Xafiiskiisa Qasriga Madaxtooyada Hargeysa  Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabbilsan horumarka iyo xuquuqda Aadamaha oo booqasho ku yimi Hargeysa, kaasoo uu Madaxweynuhu Xafiiskiisa si diirran ugu qaabbilay. Madaxweynuhu waxa uu Xafiiskiisa ku qaabbilay Wakiilka Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa u qaabbilsan dhinaca Horumarka iyo Bini’aadanimada […]

Continue reading …

Adeegga Taleefanka Shirkadda TELESOM ee Somaliland oo Saacado Badan Maanta Hawada ka maqnaa

Comments Off on Adeegga Taleefanka Shirkadda TELESOM ee Somaliland oo Saacado Badan Maanta Hawada ka maqnaa

Hargeysa(Aftahannews):- Khadka wadahadalka Taleefanka ay bixiso Shirkadda Isgaadhsiinta ugu weyn Somaliland ee TELESOM, ayaa salaaddii hore ee saaka illaa barqadii maanta hawada ka maqnaa, isla markaana ay wada-xidhiidhi kari waayeen dadweynaha ku nool Somaliland oo boqolkiiba in ka badan sagaashan (over 90%) isticmaalaan Kaadhka shirkaddaas ee lagu isticmaalo Taleefannada gacanta (Mobile-ka). Dadweynaha kala duwan ee […]

Continue reading …

Guddida Qaban-qaabada Shirweynaha Xisbiga KULMIYE oo hoggaan ku doortay Hargeysa

Comments Off on Guddida Qaban-qaabada Shirweynaha Xisbiga KULMIYE oo hoggaan ku doortay Hargeysa

Hargeysa(Aftahannews):- Guddida qaban qaabada shirweynaha Xisbiga Kulmiye ayaa kulan ay goor dhaweyd magaaladda Hargeysa ku yeesheen ku doortay hoggaanka Rasmiga ah ee hagi doona hawlaha qaban-qaabada Shirweynaha saddexaad ee Xisbigaas, kuwaasoo kala ah Guddoomiye, Guddoomiye Ku-xigeen, Xoghaye iyo Af-hayeen. Guddidi waxay Guddoomiye u doorteen Abuubakar Xaamud Jibriil, Guddoomiy ku-xigeen Xildhibaan Saleebaan Cabdi Cali Bukhaari, Xoghaye […]

Continue reading …

Maraykanka Oo Qirtay Khaarajinta Saraakiil Hoggaanka Al-Shabaab Ka Tirsanaa

Comments Off on Maraykanka Oo Qirtay Khaarajinta Saraakiil Hoggaanka Al-Shabaab Ka Tirsanaa

Washington(Aftahannews):- Mas’uuliyiin u hadlay dawladda Maraykanka, ayaa sheegay inay fuliyeen weerar lagu dilay labo Sarkaal oo ka tirsanaa Kooxda Al-Shabaab, kuwaasoo toddobaadkan lagu dilay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drownis-ka loo yaqaanno ee Maraykanka dalka Soomaaliya  gudihiisa. Wasiirk arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa horey u sheegay in labada Sarkaal lagu dilay duleedka magaalada Jilib. Cabdikariim Guuleed […]

Continue reading …

“Ururka SOLJA Waxa uu Leeyahay Suxufiyiinta Markhaatigiinna Janno Illaahay Ha Furo..”

Comments Off on “Ururka SOLJA Waxa uu Leeyahay Suxufiyiinta Markhaatigiinna Janno Illaahay Ha Furo..”

War-Saxaafadeed uu soo saaray Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Hargeysa(Aftahannews-):- Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA, waxa uu hal-adayga geesinimo leh ku tilmaamay go’aanka is-barbartaaga u ah ee kasoo yeedhay Suxufiyiinta Warbaahinta Maxaliga qaarkood, kaasoo ah mid si cad u waafaqay go’aanka iyo mabaadiida Ururka ee ku aadan Xeerka iyo Guud ahaan arimaha Saxaafadda. Sidaana waxa uu […]

Continue reading …

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wefti uu Hoggaaminayo oo lagu soo dhaweeyey Turkiga

Comments Off on Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wefti uu Hoggaaminayo oo lagu soo dhaweeyey Turkiga

Istanbul(Aftahan):- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta si heer sare ah loogu soo dhaweeyey magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, halkaas oo ay Madaxweynaha iyo Weftigiisu booqasho ku tageen. Madaxweynaha waxaa ku wehliyey safarkan Wasiir Ku-xigeenka arrimaha dibedda, Jamaal Maxamed Barrow, Xildhibaanno iyo Mas’uuliyiin kale. Xasan Sheekh ayaa maanta la kulmaya […]

Continue reading …