Sudaan: Wasiir U Fadhiistay Imtixaanka Dugsiga Sarre Iyo Dareenadda Ku Lammaan

Hargeysa, (Aftahanews)-Wasiir ka tirsan dowladda koonfurta Suudaan ayaa rajaynaya inuu rumeeyo riyo ka dib dhacday isaga oo ka mid ah boqolaal arday oo u fadhiistay imtixaanka dugsiga sare ee dalkaasi.

Abraham Majak Makur oo ah wasiirka wadooyinka iyo dib u dhiska ee gobalka Eastern Lakes ee Koonfurta Suudaan ayaa u fadhiistay maadadii ugu horreysay ee imtixaanka dugsiga sare ee Paanker Secondary.

Nin ku dhaw wasiirka ayaa xaqiijiyay in wasiirka uu ka hadhay waxbarashada sideetameeyadii qarnigii hore isaga oo qabtay kaddib xilal kala duwan.

Waxa uu intaa raaciyay qofka ku dhaw wasiirka in Abraham uu xilal badan ka soo qabtay gobalka Eastern Lakes sida agaasime wasaaradeed illaa maanta oo uu yahay wasiirka wadooyinka iyo dib u dhiska ee gobolkaasi.

Bogga wararka dalka koonfurta Suudaan ee Hot In Juba ayaa sheegay in Abraham uu xilal kala duwan qabtay isaga oo aan laheyn raad danbe oo waxbarasho ah.