Biyo Aan Hubadoodda Arkayo Guntoodda Maxaad U Malayn? Qalinkii Cabdiraxiim Cabdilaahi Shiine

Dhallinyarada somaliland waxay aad ugu bahaanaayeen inay helaan hogaan cusub oo badala hogaankii horre ee sonyo oo muddo laba sanno ah xilka hayay, Kadib shirwaynihii ay soo qaban qaabisay dallada dhalinayaradda sonyo ayaa lagu doratay hogaan cusub oo uu hormuud u yahay Cabdicasiis Maxamed Jaamac.

 Kadib doorashadii golaha sagaalaad  ee dallada dhalinayaradda Somaliland ayaa waxaa la qabtay xafalad lagu uu xilka kula wareegayo guddomiyaha cusub ee dallad dhaliyaradda sonyo mudane Cabdicasiis Maxamed Jaamac waxaa ka soo qayb gallay masuuliyiin aad utiro badan oo khudbado kala duwan halkaa ka jeediyay. Mar uu ka hadlayay  madashaasi  guddomiyha cusub ee dallada dhallinyardda sonyo ayaa waxaa uu yidhi’’ waxaanu ku daadaali doonaa inaanu dhaliyarada usamayo meel ay ku madadaaloodaan’’ hadalkaasi oo layaab ku noqday bulshada dhalinyaradda ubadan ee Somaliland. dhallinyarada Somaliland oo ay ku badnayd  niyad jabku kuna xeeranyihiin dad aan jecelayn hormarkooda  iyo isku duubnidooda ha ugu horayso dalka ayanu jaarka nahay ee somaliya, oo ku dadaalasya sidii ay ukala fur furi lahyeen dhallinyaradda reer Somaliland  ayaa hadana hogaamiyayaashi ay doorteen ugu sheekaynayaan sidii ay carruur yihiin.

Inkastoo hogaankasta oo cusub oo la doorto la siiyo waqti waxa laga fisho ama la qiimeeyo wax qabadkiisa, hadana waxaa muhiim ah in marka uu hogaanku imanyo madasha uu xilka kula wareegayo in uu iska soo dhiso khudbadiisa ugu horerysa ee dadka u jeedinayo  oo ah tan lagu qiimaynayo qofka madaama oo ay tahay markii ugu horayasay ee xi loo dhiibto ama  meel lagu aamino.