Xisbiyadda Mucaaridka Ah Oo Markale Weerar Afka Ah Ku Qaaday Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi

Hargeysa, (Aftahannews)-Gudoomiyeyaasha xisbiyada mucaaradka ayaa dhaliilo usoo  jeediyey xukuumadda,isla markaana ugu baaqay in dhallinyarada balanqaadyadii loo balanqaaday loo fuliyo.

Sidaas waxay ka sheegeen munaasibad ay xilka kula kala wareegayeen gudoomiyaha cusub ee dallada dhalinyarada ee SONYO Cabdicasiis Maxamed Jaamac iyo gudoomiyaha xilka wareejinaya Cabdicasiis Siciid Saalax oo munaasibadoodu ka dhacday hoteel Maansoor ee magaaladda Hargeysa.

Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in madaxweynuhu bishan aakhirkeedda ballanqaaday inuu dhamaynayo khilaafkii ka taagnaa inay doorashooyinku dhacaan, hadii uu wax ka qaban waayana ay iyaguna talaabooyin kale qaadi doonaan.

“Waxaa inagu raftay wax komishan la yidhaahdo, bishan aakhirkeeda ayuu madaxweynuhu sheegay inuu dhamaynayo arrintaasi, arrintasi hadii ay dhamaan waydo anaguna talaabooyin baanu qaadi doonnaa si dalkan ama doorasho loo gallo ama wax kale looga wareegi lahaa.”

Waxa kale oo uu Faysal ka hadlay hadalo ka soo yeedhay masuuliyiinta Soomaaliya, waxaanu yidhi “ laba arimood ayaa ka soo yeedhay Soomaaliya, nin Cabdiraxmaan Guul waddo la yidhaahdo oo inna Siyaad Bare qabi jirey ayaa yidhi xaq bay ahayd in dadkii reer Somaliland la laayo maadaama oo dalka la difaacayey, ninkaasi wuxuu ku jira toddoba qof oo uu Farmaajo sameeyey oo uu yidhi waa guddida wada hadalada Somaliland iyo Somalia, Somaliland laba ka soo jeeda oo mid waxa la yidhaahda Gen:Axmed Jaamac oo booliska Soomaaliya ayuu haysan jirey, midna ina Jaamac Jangali weeyi oo aabihii wuxuu ahaa ninkii soo saaray siyaasada Saanwayj waa ninkii yidhi Somaliland sida Jaanwayjka ha loo cuno oo dhinacaana Itoobiya ha ka soo gasho dhinacanna Soomaaliya waxa la yidhaahda ina Saanwayj, midna waa Cabdilaahi Sh. Cali nin caadi ah maaha, kuwaas oo kale in la yidhaahdo Somaliland bay la hadlayaan waa wax laga xishoodo”.

Sidoo kale, Gudoomiyaha xisbiga WADDANI C/raxmaan Cirro ayaa xukuumada usoo jeediyey in aan lala meeraysan dhalinyarada ee loo fasaxo sanduuqa dhalinyarada ee ay wax ku qaban lahaayeen.

“ Gudoomiyaha xilka wareejinaya ee dhalinyarada waxaan hadalkiisa ka soo qaadanay laba wax oo aan u qabsoomin, mid waa garoonka Laascaanood, midna waa sanduuqa dhallinyaradda, waxa hadalkiisa ka muuqatay in xukuumaddu sadexdaasi sanadood la meeraysanaysay waxaan odhan lahaa garoonka iyo sanduuqaba la meeraysiga ha ka saarto xukuumaddu”.

Sidoo kale, waxa hadalkaasi gudoomiye Cirro ka jawaabay wasiirka Dhallinyarada Ciyaaraha Boos Mire, waxaanu sheegay in sanduuqaasi dhalinyarada hawshiisa la waddo,isla markaana garyaqaanka guud uu samayanyo xeerkii lagu dhaqi lahaa, taas oo ay hadda ku jirto afar boqol oo kun, waxaana la sugayaa in ganacsatadda iyo hay’adaha caaalamiga ku soo daraan intoodii, waxaanu ugu bushaareeyey in gudoomiyaha cusub nasiib u yeelan doonno wax ku qabashada sanduuqaasi ayuu hadalkiisa raaciyey.

Dhinaca kale, Gudoomiyaha xilka wareejinaya Cabdicasiis Siciid Saalax ayaa sheegay in dhagax dhig ay ku sameeyeen garoonka kubadda kolayga Laascanood aanay u suurogalin ka dib markii lacagtii ay doonayeen inay ku dhisaan xukuumadda ka soo bixi wayday, sidoo kale, waxa uu xusay in sanduuqihii horumarinta dhalinyaradda muddo saddex sannaba xukuumada ka sugayeen inay wax ku qabtaan taas oo mudadii ay joogeen u suurogali wayday.