Mucjiso: 53 Sarkaal Oo Loo Xidhay Nin Daryeela Balanbaalista

Hargeysa, (Aftahannews)-Illaa 53 sarkaal oo ka tirsan booliiska dalka Mexico ayaa loo xidh-xidhay, su’aalanna laga waydiinayaa nin daryeela balanbaalista oo la’ la’yahay wax ka badan mudo todobaad ah.

Dacwad oogaha ayaa sheegay in ay xabsiga u taxaabeen dhammaan ciidankii booliiska ee ku sugnaa magaalada Ocampo ee uu ku noolaa Mr Gomez oo la la’yahay.

Ninkan oo ku caanbaxa arrimaha daryeelka deegaanka, islamarkaasna lahaa goob lagu xanaanneeyo balanbaalista, Homero Gómez ayaa la la’yahay meel uu jaan iyo cidhib dhigay muddo todobaad ka badan.

Ninkan oo u dhaqdhaqaaqa arrimaha deegaanka ee dalka Mexico ayaa lagu la’yahay gobolka ay kooxaha maafiyada daroogada ku badan-yihiin ee Michoacán.

Hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa ka baqdin qaba in ninkan ay dileen ama afduubteen kooxaha dhirta jara si looga sameeyo alwaaxa.

Markii dad ugu war dambaysay waxa ay ahayd 13-kii January, sannadkan.

Dad badan oo ka hor yimi falalkooda ayay kooxahan daroogada dileen muddooyinkii la soo dhaafay.

Mr Gomez oo 50 jir ah ayaa ah xirfadle dhanka beeraha ah, wuxuunna maamulaa xarunta El Rosario ee lagu daryeelo balanbaalista.

Degelkiisa Twitter ayaa fariin uu soo dhigay waxa uu dadka ku casuumay in ay soo booqdaan xaruntiisa.

Malaayiin balanbaalis ah ayaa sannad kasta xiliyada qaar isaga kala hayaama dalalka Canada, Maraykanka iyo Canada.

Gomez ayaa aad ugu bogay balanbaalista barabaraha leh, taas oo masaafo dheer usoo jarta dalka Mexico si ay halkaas ugu dhasha ama ugu hawo gedisato, waxaynna balanbaalista muhiim u tahay taranka geedaha iyo noocyada dhirta ee kale.

Cilmi baadhayaal ayaa ogaaday in balanbaalista ay isticmaasho jiheeye tamarta cadceedda ku shaqeeya oo dabiici ah si ay u soo garato halka ay ku wajahantahay marka ay duulayso.

Marka ay Mexico gaadho waxaa hal geed oo kaliya lagu arki karaa tobanaan kun oo ballanbaalis ah.

Illaa 200 qof ayaa hadda qeyb ka ah baadi goobka loogu jiro ninkan oo uu telefoonkiisa shaqaynayay maalmo kadib markii la waayay, farriimana laga soo dirayay.