Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo gaadhay magaalada Badhan

Badhan (Aftahannews) – Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka maamul goboleedka Puntland iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta gaadhay magalaada Badhan ee xarunta Gobolka Sanaag.

Weftiga Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa waxa kamid guddida dib u habaynta ciidamada oo kala ah Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire Cabdi, Wasiirka Amniga Cabdisamad Maxamed Gallan, Taliyaha Ciidanka Difaaca sareeye gaas Yaasiin Cumar Dheere.

Gudoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa la sheegay in ujeedada socdaalkiisu ay salka ku hayso u kuurgalida xaaladda deegaamada Bariga Sanaag oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo, waxaanu sidoo kale la filayaa inuu kulamo la qaato waxgaradka deegaanka Badhan.

Maaha socdaalkii ugu horeeyey ee gudoomiyaha Baarlamaanka Puntand uu ku yimaado bariga gobolka Sanaag tan iyo intii loo doortay xilkaasi oo mansabkaasi looga qaaday gudoomiye Dhoobo oo ay isku deegaan ahaayeen sanad ka hor.

Waxaana socdaalkii kan ka horeeyey ee gudoomiyuhu ku yimid gobolkaasi waxa ka dhashay shaqaaqo ay ku dhaawacmeen in ka badan saddex qof oo arday u badan.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.