Liverpool Oo Taako Cajiib Ah Loo Dhigay & Man.United Oo Xasuuq Ba’an Ku Ridday Tranmere Rovers

Liverpool ayaa lagu qasbay kulan ku celis wareega afraad ee FA Cup ah ka dib markii ay iska khasaariyeen hogaan 2-0 ah iyagoo barbaro 2-2 kala kulmay kooxda heerka saddexaad ee Shrewsbury Town.

Tababare Klopp ayaa gabi ahaanba wada bedelay shaxdiisa laakiin xiddigaha uu ku aaminay kulankaan ayaa difaacan waayay hogaan laba gool ah iyadoo Shrewsbury ay laba gool degdeg ah heshay qeybtii labaad oo midi ay rikoodhe aheyd.

Sidoo kale, Man United ayaa nus darsan goolal ah kaga badisay kooxda heerka saddexaad ee Tranmere Rovers kulan ka tirsan koobka FA Cup-ka oo ay labada kooxood ku ciyaareen garoonka Prenton Park.

Red Devils oo dhibaato ku dhex jirtay kulamadii ugu dambeeyay dhamaan tartamada oo dhan ayaa guul weyn gaartay, waxaana goolasheeda saddex ka mid ah dhaliyay ciyaartoy daafaca kaga ciyaarta.

Maguire ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horreeyay kooxda tan iyo markii uu noqday daafaca ugu qaalisan kubadda cagta xagaagii laga soo gudbay wuxuuna dhaliyay kubad uu ka toogtay meel ka baxsan xeradda ganaaxa.