Maxaad Ka Taqaanna Eyga Ugu Caansan Instagram-ka?

Dadka adeegsada baraha bulshada ayaa si weyn uga fal-celiyay sawirrada eyga Winnie oo ka mid noqday xayawaannada ugu caansan baraha bulshada sabab la xidhiidha quruxdiisa soo-jiidashada leh.

Sida uu qoray wargeyska Mirror ee dalka Ingiriiska, Winnie ayaa soo jiitay dad badan oo kala socda barta loo maamulo ee Instagram-ka iyada oo sababta tahay in uu xiiseeyo sawirradda.

Waxaa la tilmaamayaa in Winnie uu la jaan-qaado sawirrada isaga oo sameynaya dhaq-dhaqaaqyo cajiib leh oo ku reeba dareen dadka ku xidhan boggiisa.

Ninka xannaaneeya eygan ayaa la soo warinayaa in uu sameeyay bogga Instagram-ka oo ay ku xidhmeen durba in ka badan 2000 kun qof.

Waxaa xusid mudan in Winnie uu dhashay bishii October ee sannadkii 2019-ka. Waxaa soo dalbaday dad badan oo doonaya inay iibsadaan.