Somaliland: Guddiga Baadhista Xasuuqii Siyaad Barre Oo Farriin Maxkamadeed U Diray Maraykanka

Hargeysa, (Aftahannews)-Guddiga baadhista iyo dabagalka xasuuqii dawladii kaligii taliyihii Siyaad Barre u gaystay shaciga Somaliland ayaa sheegay in janaraal Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) oo ahaa saraakiishii ugu tunka waynayd xukuumadaasi u ka mid ahaa shakhsiyaadka dambiyad ka dhanka ah Somaliland kula kacay sideetamaadkii markii xoogagii SNM iyo Ciidamadii Soomaaliya dagaalka ka dhexqarxay magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo gobolladii kale ee waqooyiga.

Gudoomiyaha guddidaasi Khadar Axmed Like oo ugu horayn arrinkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in Mr. Cabdiraxmaan Guulwade dambigaasi qirtay, isla markaana afkiisa ka sheegay inay xas ahayd xasuuqii iyo diyaaradihii lagu garaacay shacbiweynaha reer Somaliland, kaas oo uu sheegay in Farmaajo u magacaabay guddida wada hadalada labada dhinac.

Guddiga baadhista iyo dabagalka xasuuqa waxay sidaasi ka sheegeen mar ay shalay warbaahinta kula hadleen Hargeysa, ayaa sidoo kale ugu baaqay dawlada Maraykanka in ninkaasi maxkamad loo soo taago kiisaasi aan markhaatiga looga baahnayn uu isagu qirtay dambigaasi xuquuqal iinsaanka ka dhanka ah inuu ka mid ahaa dadkii gaystay.

Khadar Axmed like isaga oo arrinkaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Arrin ka soo yeedhay nin la yidhaahdo Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen Guulwade oo dawlada Soomaaliya u magacowday inuu ka mid yahay guddida la doonayo Soomaaliya iyo Somaliland inay wadahadaladiisa uu gudoomiye ka ahaado, ninkaasi oo hadal aan laga filaynayn sii daayay oo Media-ha mariyay inuu sax ahaa xasuuqii loo gaystay dadka reer Somaliland.Ninkaasi oo isagu dambigii inuu qirtay aan u baahnayn-ba markhaati in loo raadiyo, waxaanu u sheegayna dawlada Maraykanka ee siisay nabadgalyada waxaanu ka codsanayna ninkaa dambigii qirtay isagu in ay maxkamad noo keento oo lagu soo joojiyo maxkamad.”  Ayuu yidhi Khadar Axmed

Sidoo kale waxa isaguna arrinkaasi ka hadlay Cabdirashiid Maxamed Daahir oo ka mid ah xubnaha guddida baadhista iyo dabagalka xasuuqii loo gaystay reer Somaliland ayaa sheegay in Mr. Guulwade dambiga uu ka galay ummada Somaliland u xaqiijiyay maadaama uu sheegay inay sax ahayd in diyaarado lagu garaaco shacbi isla markaana la xasuuqo.

Waxaanu intaa ku daray in ka xafiis ahaan ay hayaan rikoodhka magacyadii iyo sawiradooda dambiilayaasha xasuuqa iyo dhibaatooyinka u gaystay shacbiga reer Somaliland xilliyadii sideetamaadkii, isaga oo ka hadlaya arrimahaasi oo dhinacyo badan taabanaya,  wuxuu hadalkiisa ku bilaabay “Waxa halkan imika sawiradoodii idiinka muuqda oo xafiiskan aanu Rikoodhkiisa ku hayna, horta kuwani waa waraaqii ay sexeexeen ee xilliga ay qoreen, rikoodhka aanu hayno ninka la yidhaahdo Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen Guulwade, waa gudoomiye ku xigeenka guddigan wada hadalada.

Ninkaasi wuxuu horta maanta ku biiray oonu cadaynayna liiska dadkii aanu u tirinayeynay ee aanu u diiwaangalinay dunuubta inay Somaliland ka galeen oo boqol iyo todoba iyo afartan qof ah oo markhaatiyadoodii iyo dadkii cadaynayay.

Mid buu kaga duwan yahay Cabdiraxmaan Guulwade oo isaga cadaystay in uu arrinka ku farxsana, dambiga dhacay iyo dunuubta la galay uu wariyuhu ku celceliyay sida warka ku aragteen, ma maato iyo shicib iyo dadkii ay ahayd inaad idinku difaacdaan ee masuulka ka ahaydeen baad leedahay in la laayo sax bay ahayd? uu leeyahay sax bay ahayd.Arrinkaas aad baanu uga xunahay, horta wasiirka warfaafinta waanu hambalyaynayna oo shalay (doraad) arrintaas ka jawaabay, anaguna ka guddi ahaan baadhista xasuuqa dunuubta uu Siyaad barre dadkan ka galay  iyo kaydkoodii baanu halkan ku hayna.Waxaanu hayna ilaa laba boqol iyo konton kun oo qof oo la xasuuqay, waxaanu hayna laba boqol iyo siddeed iyo afartan xabaalo wadareed oo ta ugu yar ay ku jiraan afar qof, ta ugu badana ay ku jiraan dhawr iyo afartan qof ilaa konton qof”

Agaasimaha guud ee baadhista xasuuqyada Axmed Ismaaciil Cali oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Cabvdiraxmaan Guulwade uu ahaa taliyihii Guulwadayaasha, isla markaana ka mid ahaa qoyskii rajiimkii Siyaad Barre, kana mid ahaa ragii amarka bixinayay in la laayo shacbiga Somaliland xilligii SNM gudaha dalka soo gashay, isaga oo amuurahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Ugu horayn waxan ka tacsiyadaynaya ummada reer Somaliland hadalkii ka soo yeedhay janaraal Cabdiraxmaan Guulwade oo ahaa taliyii ciidamadii ugu dhibta badna ciidamada Soomaalid oo ah kuwii la odhan ciidamada Guulwadayaasha. Ciidamada Guulwadayaashu may ahayn ciidan boolis, may ahayn ciidan sirdoon, waxay ahaayeen ciidan bulshadaa dhexdeeda ka dhegaysta kaasi waa kacaan diid, dadka in muddo lagu soo waday ee lagu gumaaday noocaas kuway rasaastu sida tooska ah ugu dhacday markay dagaaladu bilaabmeen waxa ka badna inta lo hadimeeyay ee loo waxyeelay waa kacaan diidi.Cabdiraxmaan Guulwade waxa uu ka tirsana qoyskii madaxweynihii dawladii Soomaaliya, waxa wax lala yaabo ah, kana waliba wuu is-cadeeyaye waxaan qaba in xubnaha uu farmaajo yidhi wadahadalada ayay ka qaybgalayaan inay dhammaantood ra’yigaas caloosha ku wada haystaan.Cadaymihii waanu hayna, god kasta ninkii gastay hadu tuulo ku yaalo taliyihii gaystay magaciisa iyo askartii waanu hayna, dambiilayaashii magacyadoodii waanu wada naqaana, markaa maalinta loo baahan yahay ee ay noqoto meel lagu kala garnaqsanayo diyaar baanu u nahay inaanu horgayno faylashii dacwadaasi, wakhtigeeda ayaanu la sugayna”      Xigasho Wargeyska Warsugan