Somaliland Iyo Puntland Oo Ku Loolamaya Halgankii Daraawiishta

Garoowe (Aftahannews)-Puntland iyo Somaliland ayaa isku haysta taariikhda halgankii Daraawiisheed ee uu hoggaaminayay allaha unaxariistee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.
Labada maamul ayaa mid waliba dhiniciisa u sheeganayaa inuu isagu leeyahay taariikhda halgankaas oo haatan laga joogo muddo ka badan qarni ama boqol sanno.

Muranka taariikhda halganka ayaa kasoo bilaabatay kadib markii dhawaan wasiirka warfaafinta Somaliland, Saleebaan Cali Koore oo kasoo jeeda gobolka Sool uu sheegay in halgankaas uu ka yimid gobolada waqooyi ee Somaliland.

Balse, maamulka Puntland ayaa arrintaas ka hor yimi, waxaana maamulka uu qabtay sanad guuro markii ugu horeysay Puntland ay soo abaabushay oo lagu xusayay halganka Daraawiishta, taasoo xalay Garowe lagu qabtay.

Somaliland iyo Puntland hore midna uma xusi jirin halganka Darawiishta, waxaana xusid mudan in sanad waliba halgankaas ay xusi jireen dadyow is abaabulay oo qaarkood degaan ahaan kasoo jeeda dhulkii Daraawiishtu caanka ku ahayd sida Taleex.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Karaash ayaa sheegay Somaliland in aysan meelna kasoo galin taariikhda  Daraawiisheed, ayna iska sheeganayso.

Lama garanayo ujeedada iyo muhiimada ay 100 sano kadib yeelatay taariikhda halgankii Daraawiishta, iyadoo sannadihii ka horeeyay sannadkaan aan sidaasi loo hadal hayn jirin.