Gabiley: Dugsi Laga Hirgeliyay Deegaanka Ilinta Yar oo Xadhigga Laga Jaray

ILLINTA YAR OO DUGSI LAGA FURAY 2020
ILLINTA YAR OO DUGSI LAGA FURAY 2020

Gabiley(aftahannews):- Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland, ayaa xadhigga ka jaray Dugsi hoose dhexe oo laga hirgeliyay degaanka ilinta yar ee Woqooyiga magaalada Gabiley.

ILLINTA YAR OO DUGSI LAGA FURAY 2020
ILLINTA YAR OO DUGSI LAGA FURAY 2020

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Dugsigan oo ay dhistay hay’adda HIS oo laga leeyahay Maraykanka ayaa ka kooban saddex qol oo ay ka mid yihiin laba fasal oo wax lagu barto, kaasoo ay muddo laba bilood ah socotay waxbarashadiisu.

Furitaanka dugsigan cusub waxaa ka soo qayb galay cuqaasha, odayaasha iyo waxgaradka degaanka Ilinta yar, madaxda hay’adda HIS ee dugsigan dhistay, xubno ka tirsan golaha degaanka Gabiley iyo marti sharaf kale.

GABILEY - ILLINTA YAR OO DUGSI LAGA FURAY 2020
GABILEY – ILLINTA YAR OO DUGSI LAGA FURAY 2020

Sidoo kale waxaa xafladaasi ka soo qayb galay isu-duwaha wasaaradda waxbarashadda Somaliland ee gobolka Gabiley, iyo masuuliyiin ka socday wasaaradda waxbarashadda ee heer qaran.

 Maamulaha dugsigaasi Maxamed Xuseen Cumar, ayaa sheegay in hadda dugsigaasi ay dhigtaan arday tiradoodu gaadhayso 81 arday,  oo isugu jira Wiilal iyo Gabdho.

Maamulaha dugsigu waxa uu soo jeediyay in macalimiinta iyo shaqaalaha kale ee dugsigan in la guneeyo oo loo qoro lacagta mushaharka.

Waxaanu yidhi, “Maadaama manta (shalay) la furay, anagu waan sii wadnay waxbarashadda, oo si tabaruc ayaan u sii wadnay. 81 arday ayaa imka dhigtay dugsigan.

Waxaa loo baahan yahay agabka dugsigu u baahan yahay iyo macalimiinta iyo nadiifisadda iyo Waashmaanka intaba waxaa loo baahan yahay in la guneeyo”.

Madaxa hay’adda HIS ee dugsigan  hirgelisay Mr. Jerry oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in kadib markii saaxiibo reer Somaliland ah ay u soo bandhigeen baahida waxbarasho ee ka jirta degaanka Ilinta Yar ay hay’adoodu go’aansatay in ay dhisto dugsigan.

Waxaanu tilmaamay in uu isagu shakhsiyan aad u jecel yahay Somaliland, isla markaana uu ku faraxsan yahay dugsigan ay hay’adoodu ka hirgelisay degaanka Ilinta Yar.

Geesta kale qaar ka mida madax dhaqameedka iyo odayaasha degaanka Ilinta yar ayaa uga mahad naqay hay’adda HIS iyo cid kastoo gacan ka gaysatay hirgelinta dugsigan.

Sidoo kale xubno ka mid ahaa xildhibaanadda golaha degaanka Gabiley ee xafladaasi joogay u mahad celiyay hay’adda HIS ee dugsigan dhistay iyo sidoo kale waxagradka iyo bulsahdda degaankaasi sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.