Shaxda Erdogan ee Shidaalka Soomaaliya iyo Baxnaanintii Cimriga Dheer ee Reer Galbeedka

Ankara/ Muqdisho (Aftahannews):- Soomaaliya ayaa mar kale tallaabo u qaadday ​ka faa’iidaysiga kheyraadka shiidaalka, ka dib markii uu Aqalka Sare ee Baarlamaanka ansixiyay bisjii January 6, 2020 Sharciga Batroolka dalka. inkasta oo uu ahaa sharcigu mid soo raagay, haddana waxaa la saadaalinayaa inuu inuu noqon doono mid soo jiidan doono maalgashi shirkado shidaal oo heer caalamiga ah.

Balse, waxaa ah murug taagan xilliganina ku soo beegmay ansaxintii sharciga barlamanka kaas oo ku soo beegmaya olole​ doorasho, iyo rabshado argaggixiso oo dalka ka bilaabmey, waana mid caqabad gelin karta maanka maalgashadayaasha shisheeyaha.

Haddaba su’aasha muhiimka ka dhigaysa udugga saliidda Soomaaliya laga sheegayo ayaa su’aale maxay tahay ?

Tobankii sanadood ee la soo dhaafay, waxaa si xoog leh looga helayey gaaska dabiiciga ah iyo saliidda inta u dhaxeysa Somalia,Kenya.iyo musanbiik

Valueimpression Placeholder

Warbixin uu ka qoray wargeyska ka soo baxa Houston Wasiirka Shidaalka iyo Macdanta, Cabdiraxmaan Maxamed Axmed wuxuu ku yidhi, “Muhiimadeenna maantu waa inaan caddeynaa jiritaanka harooyin kayd iyo xaqiijinta muggeena  saliidda” (Chron – 12/02/2019).

Soomaaliya ayaa magaalada London ku soo bandhigtay bishii February 7 deedii, 2019 macluumaad laga soo ururiyey sahamintii Spectrum ee “Juba-Lamu Basin, Coriole Basin, and Obbia Basin.” Halkaasna waxaa ka soo ifbaxday in dalku uu ka mid noqon karo mid ka mid ah baraha saliidda ugu muhiimsan ee xeebaha Bariga Afrika.

Inkasta oo dhulka Soomaaliya shidaal laga baadhayey tan iyo sanadihii 1956 aadkii, haddana saliidda dhawaan lagu sheegay xeebaha Soomaaliya waa mid muhiim ka dhigaysa baaxadda kaydka oo xaddi leh iyo waddanka oo ku dhow suuqyada Aasiya (Hindiya iyo Shiinaha), kana fog colaadda Bariga Dhexe.

Shirweynihii shidaalka qaaradda Afrika ee November 2019 ka qabsoomay magaaladda Cape Town, ee dalka Koonfur Afrika ayuu Wasiirka somalia Cabdiraxmaan Maxamed Axmed ku ballan qaaday in Dowladda Federalka Soomaaliya ay billaabi doonto sanadka 2020 shati bixinta 15 xidhmo.

War laga soo xigtay wargeyska Financial Times ayaa sheegay, in Shirkadaha Royal Dutch Shell iyo Exxon Mobil ay safka hore ugu jiraan maalgashiga kheyraadka badda Soomaaliya, waxaanse muuqan shirkadda Talyaaniga ENI Energy oo magac weyn ku yeeshay helidda gaaska Mozambique.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in ENI Energy oo iyadu shuraaka kula ah Imaaraadka Carbeed sahaminta aagga badda Soomaaliya ee Kenya ay sheeganeyso inay ku sugan tahay xaalad ishaa falateen ah. (wait and see).

Si kastaba ha ahaatee, kharashyada wax soo saarista oo iyaguna ah kuwo korodhkoodu sii siyaadayo ayaa dhinaca kalena macaashka laga helayaa uu yahay mid hoos u sii dhacaya, taasina waa arrinta shirkadaha waaweyn ee saliidda iyo gaaska ka hakinaysa inay foodda daraan khatarta aan la ogeyn waxa ka soo bixi doona,. Taasina waxay u saamaxday shirkadaha yaryar inay hormuud u noqdaan sahaminta saliidda iyo gaaska gobolka, kuwaas oo ku dhiirran u badheedhdda khatarta maaliyadeed iyo ka howlgalka dhul aan hore loo tijaabin sahmintiisa.

Dhinaca kale, waxaa soo kordhaya ifafaale kale oo tilmaamaya in shirkadda Fransiiska laga leeyahay ee TOTAL oo shuraako kula ah “Qadar Petroleum,” baadhista saliidda Kenya iyo Namibia ay iyaduna daneyneyso saliidda Soomaaliya.

Waxaase lama filaan noqotay, ka dib markii Madaxweyne Recep Tayib Erdogan uu kaga dhawaaqay warbaahinta bilowgii asbuucan in Muqdisho ay ku casuumtay sahaminta saliida Soomaaliya.

Suuqa shidaalka adduunka ayaa wuxuu soo maray marxalado kala duwan. iyadoo Shirkadaha shidaalka caalamiga ahi ay 60- aadadii xuquuqda hantida “royalties” u siin jireen dalka shidaalka laga helo 1.80 doolar halkii barmiil.

Arrintaasu waxay isbeddeshay ka dib markii 1973kii uu shidaalka adduunku galay khalkhal, taasina ay keentay in la kordhiyo xuquuqdaas.

Haddaba su’aal kale ayaa ah maxay tahay waxaa ku kallifay in Madaxweyne Erdogan inuu warkiisa warbaahinta u soo mariyo Soomaaliya, isagoo heli kara hababo kale oo ka habboon?

Baaqa Madaxweyne Erdogan, wuxuu ahaa mid farriintiisu ay u baahan tahay in la dhuuxo iyo nuxurkeedaba. Yuusuf Gaandi oo ah kaga faalloode siyaasadda “Horn of Africa Geopolitics” ayaa yidhi, “Siyaasaddu ma aha oo keliya inta muuqata ee waxaa loo baahan yahay in la fahmo inta miiska hoostiisa ka socota.”

Turkiga wuxuu ku soo galay Soomaaliya ujeeddooyin la isku ogaa, hase yeeshee isbeddelka siyaasadda Maraykanka ee ku jahaysneyd dagaalka xagjiriinta Geeska Afrika, ayay diblomaasiyadda nabadda u gacan banneysay Boqortooyadda Sacuudiga iyo Imaaraadka Carbeed, iyadoo aan loo cayi​min xuduudaha iyo awooda ​ay ciyaari karaan.

Maanta, waxaa muuqata in Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya ay ka jirto qalalaase u baahan xal degdeg ah.

Falanqeeyaasha siyaasadda waxay rumeysan yihiin in xalkii Turkiga ee Syria iyo Liibya uu beddelay isla-ekaanta cududdaha, taas oo dalal badan ku qasabtay in ay dib uga fiirsadaan ujeeddooyinkoodii siyaasadeed.

Miyaanay haddaba, afeefta Erdogan u muuqan inay u socoto dalal aan la magac dhebin, balse door ku leh fidnada Soomaaliya, iyadoo loo sii marinayo Ingiriiska oo iskuduwe ka ah mashruuca Geeska Afrika.

Sidoo kale waxaa muhiim ah, in dalalka gobolka ay u baahan yihiin inay iska kaashadaan, isla markaasna iska caabbiyaan faraggelinta shisheeye ee meel ka dhaca ku ah siyaasadooda gudaha iyo xoriyaddooda qarannimo, ​iyadoo aan la fogayneyn iskaashiga faa’iidada labada dhinac ku dhisan.

Madaxweyne Erdogan, wuxuu hurdada ka kiciyey shirkadaha shiidaalka ee mudada dheer quuddarraynayey kheyraadka Soomaaliya, balse aan maalgashi iyo ku dhiirasho diyaarsan u lahayn inay sameeyaan xilligan, sababo amni awgood.