Kooxaha Valencia Iyo Chelsea Oo Guul Isugu Jawaabay + Barcelona Hull City Oo Ciil Ku Raagay  

Chelsea ayaa u soo baxday wareega Shanaad ee koobka FA Cup kaddib markii ay kaga adkaatay kooxda Hull City oo ay marti ugu noqdeen KCOM Stadium 1-2, ciyaar ka tirsaneyd kulamada afraad ee tartankan.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda Chelsea.

Daqiiqadii 6-aad kooxda Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaan 0-1 ka dhigay Michy Batshuayi.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan ee goolal loo filan karay.

Sidoo kale, Valencia ayaa guul ka gaardhay kooxda Barcelona oo marti ugu aheyd garoonka Mestalla, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-0, kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta horre ee ciyaarta ayaa lagu kala maray bar-bardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 48-aad kooxda Valencia ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxayna ciyaarta noqotay 1-0, kaddib markii uu gool iska dhaliyay Jordi Alba.

Daqiiqadii 77-aad kooxda Valencia ayaa hoggaanka ciyaarta sii dheereysatay, waxaana 2-0 ka dhigay Maxi Gomez, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Ferran Torres.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 2-0 ay kaga adkaatay Valencia kooxda Barcelona oo marti ugu aheyd Mestalla.